Shirkii Kismaayo oo dib u dhac uu ku yimid iyo Madaxweynaha DFS oo beri laga sugayo Kismaayo

January 11, 2016 - Written by Editor

xasan-sheekh-safarKismaayo:-Wararka naga soo gaaray magaaada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shirkii madasha wada tashiga qaranka ee lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Kismaayo uu ku yimid dib u dhacay ka dib markii madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu ka baaqday safar uu saaka ku imaan lahaa Kismaayo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Kismaayo maalinta beri ah ka dibna waxaa si rasmi ah u furmi doona shirka.

magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan wufuud badan oo ka tirsan beesha caalamka iyo dhamaan madaxda maamul gobolleedyada ka jira dalka waxaan hadda u socda shir gooni gooni ah iyo wada tashiyo.

Ilaa hadda lama saadaalin karo wax ka soo bixi doona shirka balse dadka odorosa siyaasada soomaaliya waxaa ay rumaysan yihiin in madaxda Soomaalida aysan waxba gacanta ugu jirin ee dalalka dariska iyo beesha caalamku ay iyagu leeyihiin go’aanka ugu danbeeyey ee ka soo bixi kara shirka Kismaayo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online