Taliyaha Xoogga “Sanadkan 2016 waa in Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan.”[Masawiro]

January 5, 2016 - Written by Editor

Photos-4Muqdisho:-Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, waxana ay isla soo qaadeen sidii wadajir loogu ciribtiri lahaa haraadiga kooxaha Argagixisada ah sanadkan 2016 . Iyadoo ay labada dhinac isla qireen sida ay lagama maarmaan u tahay in la bilaabo howlgallo cusub.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in sanadkan 2016-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah.

“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan”ayuu yiri Taliyaha Xoogga.

no images were found

Kulanka ayaa waxaa Taliyaha Ciidamadda ku weheliyey Abbanduulaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale. Waxana uu kulankani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga.

 

——–DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online