Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Ali Gas iyo Rt Hon Raila Odinga oo kulmay

September 9, 2011 - Written by

Nairobi:-R/Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Kenya Rt Hon Raila Odinga. Kulankan ayaa waxuu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kenya. Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxey labada Ra’iisul Wasaare uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xirirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee labada dal, arrimaha amniga iyo horumarka laga sameeyey ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo arrimo kale oo fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayey arrimaha abaaraha ee waddamada Geeska Afrika. Kulan oo ay marti gelisay dowladda Kenya ayaa looga hadlayey sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha abaaraha ee ka jira dalalka Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhigiisa dalka Kenya gaar ahaan shirka muhiimka u ah Soomaalida oo ay dowladda Kenya iska xilsaartay oo ay waliba ku casuuntay dhammaan dalalka Geeska Afrika, Qaramada Midoobey iyo beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Raila Odinga ayaa isna u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali kuna ammaanay sida uu wax uga qabtay arrimaha amniga, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, isku xirka Dowladda dhexe iyo maamulada dalka Soomaaliya ka jira iyo gaar ahaan sidii shirkii wadatashiga ee Soomaalida ay u maareysay dowladda Soomaaliya.

Raila Odinga ayaa ballanqaaday in Dowladiisu ay marwalba garab taagantahay dowladda Soomaaliya kalana shaqeyn doonto arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, abaaraha iyo sidii dalka Soomaaliya uu u noqon lahaa mid nabad ah.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada Ra’iisul Wasaare tan iyo intii Abdiweli Mohamed Ali uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wallow ay labada mas’uul horey u kulmeen 7dii April oo uu markaas Abdiweli ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen, ahaana Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Waxaa muuqata in Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuleysatay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ka saaridii Al-Shabaab laga saaray caasimadda, gar-gaarka bani’aadanimo oo ay weliba madaxda Adduunka soo booqanayeen Muqdisho, arrimaha isku xirka Dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira, ka dib markii uu Ra’iisul Wasaare Abdiweli booqasho ku tegey Puntland iyo Galmudug iyo ugu danbeyntii shirkii Wadatashiga oo si heer sare ah loogu qabtay caasimadda dalka, kuna dhammaaday si qurux badan, shirkan oo ahaa kii ugu horreeyey oo weliba maalmo kooban ay Soomaali maamusho, iskuna raacaan dariiqadii la mari lahaa (Roadmap) 12ka bilood ee soo socda.

Source; Xafiiska Raysalwasaaraha Pro.Cabdiweli Gaas

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online