Askari ka tirsan Ciidanka DFKM oo dad rayid ah ku laayey Muqdisho
September 8, 2011 - Written byMuqdisho:-Askari ka tirsan Ciidanka DFKM ayaa waxaa uu maanta dad rayid ah ku laayey degmeda Waabari ee magaalada Muqdisho xili dad barakacayaal ah loo qaybi nayey gargaar caawino ah.
Askariga ayaa waxaa uu ilaalo ka ahaa raashina gargaarka ah oo dadka loo qaybina yey ,dadka oo ku soo xoomay awgeed ayaa askarigu waxaa uu furay rasaas fara badan oo keentay in uu dadkii barakacyaasha ahaa ay qaarna dhintaan halka kuwa kalena uu soo gaaray dhaawac.
Ilaa 7 qof ayaa dhintay rasaasta uu furay askariga ka tirsanaa DFKM halka 2 qof oo kalena uu soo gaaray dhaawac, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaan tood waxaa ay ahaayeen dadkii barakacayaasha ahaa ee loo qaybinayey raashinka gargaarka ah.
Guddoomiyaha DFKM ee Degmada Waabari Axmed Faal oo saxaafada kula hadlay goobtii uu askarifa DFKM ku laayey dadka waxaa uu sheegay in dadka wixii dhintay iyo wixii dhaawacmayba ay qaadeen askarigii falkaas geystayn gacanta lagu dhigay oo uu hadda xiran yahay.
A/cawaale
Halgan.net