Baaq Nabadeed oo uu soo saaray Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
September 4, 2011 - Written byGaalkacyo:Waxaa maanta baaq nabadeed oo uu ku codsanayo in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka dhacday magaalada Gaalkacyo soo saaray Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Isimad ugu waaweyn Gobolka Mudug,islaanka iyo nabadoonada ,Culimada ayaa ku guulaystay in ay joojiyaan dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo.Islaanka ayaa baaqa uu soo saaray waxaa uu u qoraa sida hoos ku qoranBAAQ NABADEED OO UU SOO SAARAY ISLAAN BASHIIR ISLAAN CABDULLE.
Gaakacyo, Axad, 04. 09. 2011 :axaan ugu horrayn tacsi u dirayaa dhamaan dadkii eheladoodu ku geeriyootay dagaaladii ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo, waxaan kaloo Illaahay u waydiinayaa inuu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay.
1. Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo baaqaas oo ku salaysan Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee ummadda.
2. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay labada dhinacba si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda iyo wax kasta oo keeni karta colaad danbe iyo dagaal.
3. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay wada hadal ku xalliyan dhibaatada jirta.
4. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay amniga iyo deganaanshaha Magaalada Gaalkacyo si wadajir ah uga wada hortagaan wixii wax u dhimaya.
5. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaal acyo inay dhawraan wada dhalashada iyo wada dhaqanka dadka ehelka ah ee ku wada nool magaalada gaalkacyo.
6. Sidoo kale waxaan bulshada Gobolka Mudug iyo jaaliyadaha dibadda u soo jeedinayaa in la soo taakuleeyo dad farabadan oo ku wax yeelloobay dagaaladii ka dhacay Magaalada.

WABILLAAHI TOWFIIQ
ISLAAN BASHIIR ISLAAN CABDULLE