Ciidanka Booliska Boosaaso oo qabtay nin dilay Garsoore

September 14, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari garsoore ka mid ahaa Garsoorayaasha Maxkamada Rafcaanka ee gobolka iyadoo dil kaasnka uu geystay nin ku hubaysan Bistoolad.

Allaha u naxariistee Garsooraha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Naasir Xaaji Aadan waxaan lagu dilay irida hore ee Maxkamada Boosaaso,Garsooraha ayaa dhaawiciisa loola cararay Isbitaalka Boosaaso iyadoo ciidanka Booliska ee ka agdhawaa Maxkamada ay gacanta ku dhigeen ninkii dilay Garsooraha.

Xeer Ilaaliye ggud ee Puntlland Maxamed Xasan Awc abdi ayaa waxaa uu saxaafada u xaqiijiyey in la dilay Garsoore C/naasir Xaaji Cali iyadoo xeer Ilaaliyuhu tacsi u diray Eheladii uu ka geeriyooday Garsooraha , Xeer Ilaaliye ggud ee Puntlland Maxamed Xasan Awc abdi  ayaa saxaafad waxaa kale oo u xaqiijiyey in ninka dilka geystay ay ciidanku qabteen isla berina la horkeeni doono Maxkamada Gobolka Bari.

M_M_Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Ilaah baa mahad iska leh hadii danbiile la qabtay. laakiin Zakariye boowe reer puntland sow ayagii dhihi jiray ciidanka mukhaabaraadka waa ashahaada la dirir makula tahay in ay Aqbalayaan ciidan dharcad ah mise iminka waa bislaadeen oo xaqiiqda ayay taabteen reer puntland.

  2. WAA ALLE MAHADII HADII LAQABTAY LAAKIIN ANIGU MID BAAN KUTALIN LAHAA WAA IN LABADIYAA MUQAABARAAD DHARCADA OO SHICIBKOODA KU DHEX JIRA EE AAN LAGA DHEX GARANEYNIN TAANA WAXAY SAHLEYSAA IN LAQABTO FITAN WADA YAASHA DADKII LAAYAY DADKA SIDAA OO KALE LOO LAAYO

    WAXAY KOR UDHAAFEEN TIRADOODA DHOWR BOQOL OO WAX GARADA AMA BIRIMAGEYDO AH LA ISKA LAAYAA TAASINA WAXAA INOOGU WACAN MAAMULKII OO AAN XIL WEYN ISKA SAARIN IYO SHICIBKIISA OO AAN WADASHAQEYN KA DHAXAYNIN … MARKA

    WAA IN LABADII NIMAN MUQAABARAAD AH OO MEEL KASTAA OO LAGA SHAKIYO DAD LOODIRO XOGTOODA KA KEENA UNA SAHASHA QABASHADOODA IYAGOO WAX DHIBA KEENIN LAGA HORTAGO … SIDA CAALAMKU UU KUDHAQMO…

    TUSAALE AL-SHABAAB IYO CULUMADA SOOMAALIYEED WAXAA KA DHAEX BUUXA NIMAN CULUMO SHEEGA NAAYA OO HADANA JAWAASIIS U AH C.I.A.MAREYKANKA MARKA MAXAA UDIIDAY MAAMULKU IN UU SAMEYSATO RAG NOOCAAS AH OO XITAA AL-SHABAAB DHEXDOODA WAR KAKEENA…

Leave a comment

*