Colka waraf ma lagu dayay? (W/Q: Sh. Bashiir Axmed Salaad)

September 6, 2011 - Written by

Burco:-Dunidu waa imtixaan, sidaas ayaana ilaahay ugu talagay, waxa la isku imti xaana way tiro badan yihiin, waana kala jaad, ummadana waxaa ugu imtixaan badan kuwa ugu wanaagsan oo ugu fadliga badan.

Arinkaan waa waxa sababta u ah cadowga tirada badan oo maanta ay la hardamayso ummadda muslimka ah oo la oran karo: maanta meel u badqabta ma jirto, laakiin waxaa la hubaa in guusha ay leeyihiin muslimiintu, lagana rabo in ay la yimaadaan asbaabtii ay ku mudan lahaayeen yabooha Ilaahay, ugana bixi lahaayeen musiibada haysata, waayo, horaa loo yiri: fadhi iyo fuud yicib laysku waa, waxaa kaloo la yiri: xaglo laaban xoolo Kuma yimaadaan.

Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin ummadda muslinka ah oo imtixaanan, waxaana ku habsaday cadow soojireen ah,oo ugu soo gambaday kuwo ayaga ka mid ah,caalamkana ka helay taageero kala nooc ah, ayna ugu yar tahay in loogu roonaaday aamus.

Musiibadaan waa wax weyn ,waxayse kasii daraysaa haddii uu naga lumo habsami-u-fakarka loo baahan yahay xaaladahaan oo kale, si dhibaatada looga baxo.

Waqtiyada dhibaatada, maskaxdu si fiican uma shaqayso, taladuna iskuma toosto, dadka intooda roon, waxay aad ugu howshoodaan sidii dhibka looga bixi lahaa, waxaana laga yaabaa in ay ku soo koobaan wax yar oo ku salaysan aragti gaaban oo ay ka tan badisay musiibada taagan, ayadoo aan si fiican loogu daadagin waxa taagan, haba sheegin, in dib loo jalleeco wixii la soo maray, ama la odoroso mustaqbalka dhow ama dheer.

Imtixaanka musiibadu, ma aha ,oo kaliya in la kala ogaado qofka sabraya iyo qofka aan sabreen, ama kan ka baxaya iyo kan aan ka baxayn, balse waxaa ka mid ah in la tijaabiyo habka looga baxayo dhibaatada, sida xalka loo raadinayo, iyo wadada loo marayo, ma si shareecada waafaqsan baa, mase waa si kale?, waayo, waxaa jira dad shareecada ku dhaqma waqtiga caadiga ah, kana taga waqtiga dhibku jiro, ama si khaldan u isticmaala shareecada: la jiifiyaana banaan

Mar haddii muslim la yahay, gaar ahaan lays xejinayo wadada salafka, waa in shareecada loo daayo in ay kala saarto sax iyo khaladka, laguna dheehin dareenkeena ama danteena, aadna looga taxadaro is-dhex-galka arimahaan oo badan, waqtiyada cilmigu yaraado, jahligu bato, fitnaduna aloosan tahay.

Dadka qaar ayaa u malaynaya hanuunku inuu yahay,oo kaliya in la sameeyo waxay ku amartay shareecado, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah: in loo sameeyo sidii ay kuu amartay ,waxaa kale oo ay u malaynayaan in baadidu ay ku kooban tahay dambiyda caanka ah, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah dambiyda diinta u eg.

Haddii dib loo eego taariikhda ummadihii naga horreeyay oo baadiyoobay, waxaa arkaysaa qaar laga raacay diintii oo ay ka tageen, waana yahuudda, iyo kuwo laga raacay camal-fal badan oo aan cilmi ku dhisnayn, waana kirishtaanka, oo u malayn jiray in wax kasta oo nafta dhibaa ay cibaado yihiin, Ilaahayna uu rabo .

Nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waa uu nooga digay wadada yahuudda iyo midda kirishtaanka, waayo waxay keenaysaa carada ilaahay iyo in laga baadiyoobo wadada toosan, sida ku cad tafsiirka suurat-ul-faatixah.

Runtii, waxaa jira dad jecel in ay cibaadadooda shakhsiga ah u fiiriyaan sunnada iyo wadadii salafka, wixii ay ka shakiyaana waydiinaya culimada, laakiin si aan ka-fiirsi badan lahayn ugu dhaqaaqaya cibaadooyinka khuseeya ummadda oo dhan, ayaga oo aan u fiirin sunnada ama siirada nabiga, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, Nabigu, sallallaahu calayhi wasallama, wuxuu la yimid shareeco dhammyastiran, waana uu ka howl galay dhammaan nolosha qaybaheeda kala du’wan, waana in looga daydaa waxa uu sameeyay iyo sida uu usameeyay.

Ku-dayashada nabiga ,naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waxaa moodaa in lagu soo koobay qaybo ka mid ah diinta ,sida caqiidada iyo cibaadada, lana ilowsan yahay qayba kale oo muhiim ah, sida: habka ummad loo soo saaro, oo wax looga badalo iyo habka loo maamulo loolanka lugula jiro cadowga.

Labadaan masalo, ahmiyad gaar ah ayay noo leeyihiin, waayo, ummaddu waxay u baahan tahay soo-noolayn, kadib markay ka fogaatay diinta, caqiida ahaan iyo camal ahaan, taas oo dhaxal siisay nuxur la’aan iyo daad-xoor nimo baahsan, waana waxa keenay in cadowgu ka il-helo, kana guulaysto.

Ummaddu way jirran tahay, waxaana haya cudurka la yiraa(iimaan yaraan) waana cudurka dhalay dhammaan dhibaatooyinka aan ka cabanayno oo aan kala gaari la’nahay; sidaas awgeed, shaqada asaasiga ah waa la-tacaalidda cudurkaas si ummaddu u soo noolaato, ka dibna ay gudato xilalka badan oo sugaya, kana baxdo dulliga saaran.

Dad badan ayaa ku indha-sarcaada astaamaha ka muuqda bukaanka, kuna qalbi-fuqa taaha ka baxaya, kana il-duufa xaqiiqada jirta, una maleeya in wax kasta lagu daaweeyo asprin iyo kaar-jabiye, ayadoo loo baahan yahay qalliin halis ah.

Ummadda oo aan soo noolaan wax hagaagaya ma laha, kooxo yar yarna ummadda kaalinteeda ma gali karaan, xilkeedana lama wareegi karaan, haddii koox yar oo xul ah wax gaar ah la siinayo, ummadda la’aanteed, waxaa la siin lahaa nabi Muuse iyo nabi Haaruun,naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaatee, laakiin taasi ma dhicin , waxayna la duruuf ahaayeen dadkooda ilaa Rabbi oofsaday, waayo ummad la’aan ayaa haysatay, markiise ummaddu is-badashay oo xilkeeda garatay, way guulaysatay, inkasta oo uu hogaaminayay Nabi aan la darajo ahayn nabi Muuse, balse ahaa ardaygiisii la oran jiray Yuushac ibnu Nuun (calayhimissalaam), markawaxa la fiirinayaa waa ummadda ,ee ma aha qof ama koox; sidaas darteed, ha loo soo jeesto sidii loo daaweyn lahaa, loona noolayn lahaa ummadda, hana la ogaado in ay tahay howsha lama huraanka ah oo aan laga boodi Karin, oo yaan wax weyn la moodin la iskuna iloobin howlaha xanuun bi-inta iyo (kaalmaatiga).

Xanuun-bi’inta qudhigeedu waxay u baahan tahay cilmi iyo in la qiyaaso awooda jirku uleeyahay daawada iyo waxyaalaha ka dhalan kara, waayo, kufkufku waa batay, ummaduna xaq bay u leedahay in ay la xisaabtanto dadkii galiyay isku-dhacyadii badnaa ee aan waxba lagu dheefin, ayna u yaabka badneyd dhacdadii Nahr-ul-baarid iyo masjidkii casaa, iyo kuwa la midka ah.

Marka,colka maa lagu dayo: in ummadda la tacbo, oo la tashiilo dhiigeeda iyo dhaqaalaheeda,oo looga turo talaxumada soo noqnoqotay?.

Jahligu waa ceeb, waxaana ka mid ah adoo jaahil ka ah naftaada iyo cadawgaaga, kaana lunto qiyaastu, kuna kadsooma xamaasad aan xoog iyo xiilad midna lahayn, waana soo dhadhaminay mireheeda, marka colka maa lagu dayo: in laga faa’iidaysto taariikhda, lana fahmo cadowga, lana ogaado in Soomaaliya aysan lahayn buuraha Afgaanistaan oo kale, Pakistaana la daris ahayn, Bushtuuna daganayn, iyo in wax loo dirsado dadka cilmigeeda leh, ummaddana ay ka fariistaan kuwa fashilkooda la soo taabtay.

Waxaa la yiraa; caqligu ma aha midka mushkiladda looga baxo,ee waa midka looga hortago . Runtii waxaa moodaa in dadaal badan aan lagu bixin sidii dhibka la isaga ilaalin lahaa, oo uusan u dhaceen, balse, lagu kacay waxyaalo culayska kordhiya, cadawgana marmarsiyo siiya, isku-dhacana soo dadajiya, taasoo khilaafsan siirada iyo sunnada nabiga (sallallaahu calayhi wasallam), kana hor imaanaysa sida kownka ilaahay ugu talagalay, oo ah: in ay wax kasta tabartooda tillaabsadaan, geeluna uu laba jir soo wada maro. Marka maa colka lagu dayo in la yar yaraysto ka-hortagiisa, lana joojiyo cadowga caalamiga ah oo la kicinayo, ka dibna caruurta laga horgaynayo.

Ujeedooyinka shareecada waxaa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo riixo dhanka badbaadada, lagana ilaaliyo in ay shaydaan iyo gaalo maciin bidaan, lana badiyo fursadaha ay ku ilaashan karaan xoogaaga ay ka fahamsan yihiin diinta, waayo, maslaxadda diinta, dacwada, dadka iyo dalku kuma jirto in cadowga loo sameeyo taageerayaal. Marka, colka maa lagu dayo in dadka laga soo reebo oo aan loo tuurin, lana joojiyo quusashada iyo gaalaysiinta layska gamayo, lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn, mase waxaa lagu tillaabsaday diintii ciriiriga ahayd oo booska looga waayay Cumar ibni khaddaab, Cusmaan ibni Cafaan iyo Cali ibni abii daalib, mase xumida ubaahan in la cirib tiro ayaa ku soo hartay masaajidda iyo hareerahooda. waxaa xusid mudan oraahdii culimada: qof laga shakisan yahay islaam-nimo waa loo sugi karaa, laakiin loogama saari karo.

Waxaa jira jaah wareer badan, iyo su’aalo isasootaraya oo oranaya: maxaa socda? Yaase wada? waayo wadanku wuxuu noqday bahalo-galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan, si sumcadda looga dilo islaamka, marka, colka maa lagu dayo in wixii lillaahi wataa dhan isu raacaan, bareerahoodana dhiibtaan, waxa ay mas’uulka ka yihiina caddaystaan, wax aan ceeb lahayna ay ku midoobaan, si wixii laqdaba wada loo arko, waayo, Jihaadku ma galo xatooyo, xalaalna barqaa la qashaa.

Muslimiintu waxay ku guulaystaan raaligalinta Ilaahay, waxayna ku xiran tahay ayadoo la raaco shareecadiisa, taasna waxaa xaqeeda leh oo xadidi kara culimada, marka, maa colka lagu dayo in Ilaahay loo soo noqdo, wax kastana lagu jaangooyo shareecada, ayadoo looga dambaynayo culimada, lana joojinayo gacan-dhaafka, si looga badbaado wadada uu tilmaamayo xadiiska oranaya: haddii arinka loo dhiibo dad aan mudnayn, saacaaddii qiyaame sug.

 W/Q:

Sh. Bashiir Axmed Salaad
Gudoomiyaha Kulanka Culimada

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online