Dagaal xalay iyo saaka ka dhacay degmada Dhoobley
September 30, 2011 - Written byDhooblay:-(Halgan.net) War naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa sheegay in xalay ilaa saaka uu dagaal xooggan uu ku dhexmaray degmada Dhoobley ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Raaskaanbooni oo gacan ka hellay ciidamo daacada u ah DFKM.
Dagaalka ayaa xalay 1-dii habeeno qarxay waxaan ay ciidanka Al-shabaab ka weerareen degmada Dhoobley ilaa dhowr jiho iyadoo dagaalka culayskiisa iyo hubka la isku adeegsanayo laga maqlayey xalay ilaa saaka degaanada ku xeeran degmada Dhoobley.
Wararka is khilaafsan ayaa ka soo baxaya cida gacanta ku haysa degmada Dhoobley waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in xalay ciidanka Al-shabaab ay qaybo ka mid ah degmada Dhoobley ay la wareegeen halka wararka qaarna ay sheegayaa in magaalada saaka ay si buuxa gacanta ugu hayaan ururka Raaskaanbooni iyo ciiidamo raacsan DFKM.
Dagaalka ka dhacay degmada Dhoobley ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalku uu u dhexeeyey wararka laga hellayo rugaha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa 19 qof in ka badan ay ku dhinteen dagaalka halka ilaa 50 qof in ka badana ay ku dhaawacmeen.
Khadka is gaarsiinta oo go,an magaalada ayaan ilaa hadda si dhab ah loo aqoon xaalada dhabta ah ee ka jirta degmada Dhoobley iyo khasaaraha gaaray dadka shacabka ah iyo hantidii taalay magaalada.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net