Deeq ka timid Masjidka Ibnu Cuthyemiin oo la gaarsiiyey dad ku tabaalaysan Muqdisho

September 18, 2011 - Written by

Muqdisho:-Deeqdaan ay iska soo ururiyeen jamaacadda Masjid ka Ibnu Cutyeymiin ayaa waxay ugu tala galeen in ay kala qeyb qaatan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateeysan oo wax yeeleeyeen Abaaraha dalka ka jira.

Qeybinta Deeqdani lacagta ah ayaa waxaa loosoo wakiishay Shiikh Cabdi Weli Muuse in uu gaarsiiyo dadka dhibaateeysan oo ay abaaruhu wax yeeleeyeen, Sh.Cabdi Weli Muuse ayaa waxaa deeqdii ka timid Waalaalaha Masjidka Ibnu Cutheymiin uu u qaybiyey dadka dhibaataysan oo ku nool magaalada Muqdisho isagoo mahad balaaran u jeediyey walaalaha isku xilqaamay in ay gacan qabtaan walaalahood soomaaliyeed ee dhibaataysan.

no images were found

Cadad ahaan lacagta ay soo direen ayaa waxay gaaraysay $2000 (Laba kun oo Doolar kaliya) lacaggatani oo loo Badalay Shilin Soomaali loonaa qeeybiyay Qoysas gaaraya ilaa 100 Qoys , iyada oo loo qoondeeyay qoys waliba lacag dhan 300,000 Shilin Soomaali ilaa 400,000 Sh.Som hadba sida loo arko inay u kala mudan yihiin halka kuwa qaarna la siiyay lacag intaa ka duwan ma ahan markii ugu horeeysay ay jamaacada majidka ibnu cutheymiin ay deeq lacag soo direen ayagoo deeq midaan la mid ah soo diray dabayaaqada bisha ramadaan.

Waxaa xusid mudan inta qeybinta lagu guda jiray gudiga in ay la kulmeen nin shil gaari ku waxyeeloobay oo ay maskaxdiisu dadaneeyso taa sii gaar ah gargaar loogu fidayay sida aad ka arkeysaan sawirkan iyada oo la gudoonsiinayo $50(kontan doolar iyo 500.000 shilin soomaali) si caafimaad ahaan ugu kaalmeysto. Qoysaskii deeqda lacagta la gaarsiiyay ayaa allaah u maahad celiyay iyo walaalahii sabab u noqday inay soo gaarto lacagtaani , iyagoo allaah ugu baryey aduun iyo aakhiro inuu wanaag ugu abaal mariyo.

Ugu danbeeyntii Masuulka Deeqda loo soo wakiishay ayaa isna
u mahad celiyay Allaah ka dibna Jamaacada soo dhiibtay Kaal madaan lacagta halka uu ugu baaqay dhamaan Qurba Joogta iyo muxsiniinta in ay ku tartamaan kheyrka si uu allaah ugu abaal mariyo juhuuda ay bixinayaan maanta maalin ay kaga baahi badan yihiin.

Masjidka Ibnu Cutheymiin
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online