Dhaalibaan oo weerar ku qaaday xarunta CIA Mareykanka ee Kabul

September 26, 2011 - Written by

Kabul:Mujaahidiinta Ururka Dhaalibaan  ayaa harsad iyo hoyaad u diiday ciidamada Huwanta ee NATO ee uu horkacyo dalka Mareykanka ka dib markii ay weeraro is daba joog ah ku qaadeen xarumaha ay ka degan yihiin ciidamada Huwan ee NATO dalka Afgaanistaan  gaar ahaan xarumaha sirdoonka sidda CIA-da.iyo safaarada dalka Mareykanka.

Ciidamo ka tirsan Ururka Dhaalibaan ayaa weerar la beegsaday xarunta CIA ay ku leedahay magaalada Kabul ee xarunta dalka Afgaanistaan waxaana weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac . Wakaaladaha warar ee reer galbeedka ayaa sheegay in weerarka uu ku dhintay mid ka mid ah saraakiisha CIA oo asal ahaan ka soo jeedka dalka Afgaanistaan.

Afhayeenka ciidanka Mareykanka ayaa weerarka lagu qaaday safaarada dalka Mareykanka ee ku taal Kabul iyo xarunta CIA-Mareykanka waxaa uu si gaar ah ugu eedeeyey mid ka mid ah Hogaanka sare ee Mujaahidiinta caanka ka ah dalka Afgaanistaan iyo caalamka Islaamka ee La yiraahdo Jalalu diin Xaqaani oo xariif ku ah dagaalka dhuumaaleysiga .

Jalalu diin Xaqaaani waxaa ay ciidamadiisa hoos tagaan Ururka Dhaalibaan waxaana xarun u ah magaalada Baktiya oo ay ciidamada NATO fooda galin waayeen.

A/Cawale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. ASCaleyku akhiyaarta HALGAN.NET dadaalkiina halkaas ka sii wada xaqna qora illaahna ka baqa, waxkasta markaad qoraysaan maxay diintu ka qabtaa ku fekera taas ayaad guul ku gaaraysaan. Maanta xaalada meesha ay mareyso dadka caqliga u saaxiibka ah waa la socdaan, wax kasta illaah uga baqa ee bashar ha’uga biqin wabilaahi towfiiq salaamu.

  2. maasha allaah waa dhiiranaan aan horey loogu baran bahda halgan waxan idinku dhiiri galinayaa in aad ka duwanaataan websiteyada aan ehludiinka ahayn ee u eg wakaladaha wararka ee reer galbedka waa in aydaan kuwaas ku milmin markaad soo gudbinaysaan warar ku saabsan lag danka xaqa iyo baadilka waad mahadsantihiin

  3. Mahad dhamaanteed allaah bay u sugnaatay,, masha allah qolada halgan waad mahadsantihin hadal qiimo badan ayad soo qorteen sidaas baa loo baahanyahay in saliibiga iyo dabadhilyadiisa murtadiinta ah jabkooda loo sheego mujaahidiintana loogu tilmaamo geesiyaal aan soo jeesan

Leave a comment

*