Dhaqaatiirta ka timid dalka Turkiya oo howlo caafimaad ka fuliyey Gaalkacyo
September 24, 2011 - Written byGaalkacyo:-Dhaqaatiirta ka timid dalka Turkiya ayaa ku dhawaad 300 oo qof oo qabay xanuuno kala duwan ku sameeyey qaliimo lacag la’aan ah waxaana dhaqaatiirta ay ku sameyeen qaliinka cisbitaalka guud ee magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhaqaatiirta qalliimadaan fulinaya ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo maalintii 2-aad waxaana isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo soo buuxdhaafiyey dadweyne badan oo oo raba in qaliin looga sameeyo indhaha iyo kuwa ay buro ku taal .
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in howlaha caafimaad ay ka fuliyeen dhaqaatiirta ka timid dalka Turkiya ay ka faaiideysteen dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid dhamaan gobalka dalka Soomaaliya.
M_M Deeq
Halgan.net