Gen.Siciid Dheere oo ugu baaqay shacabka Gaalkacyo in ay ka shaqeeyaan Nabadgelyadooda

September 17, 2011 - Written by

Gaalkacyo,Sabti, 17  September Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere) oo ilaa intii dagaalku ka dhacay Gaalkacyo ku sugnaa magaalada ayaa waxaa uu shalay la hadlay waxgaradka iyo shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug isagoo ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabadgelyada kana fogaadaan wax walba oo wax u dhimaya nabadgelyadooda.

Gen.Siciid Dheere) ayaa sheegay in shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo iyo Gobol ka Mudug lagu yaqaanay in ay yihiin dad isku duuban kana shaqeeya arrimaha nabad gelyadda kuna caan ah in ay iska difaacaan koox walba oo isku dayda in ay wax u dhimaan amaankooda guud sidaas darteedna loo baahan yahay in lagu dadaalo mid nimada bulshada ku nool gobolka Mudug ayuu yiri  Siciid Dheere.

Taliyaha Ciidanka guud ee daraawiishta Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa ugu baaqay shacabka in ciidanka amaanka kala shaqeeyaan  nabad gelyada cid walba oo amaanka lid ku ahna ay u soo gudbiyaan laamaha amaanka.

Taliyaha Ciidanka guud ee daraawiishta Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo isagoo ay la socdaan ciidamo 2-bo maalin ka dib markii uu dagaal ka dhacay xaafad ka mid ah magaalada Gaalkacyo , Odyaaasha , ganacsatada, Isimada iyo culimada ayaa ku guulaystay in ay waan waan kala dhex dhigaan Saraakiisha ciidanka Puntlland iyo maleesho beeleed degaanka ah iyadoo arrinkaas guul laga gaaray.

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Janaraal Saciid Dheere waa halyey ah soomaali run ah; aadna

    diini ah. Waxaa fiican in ciidanka Somalia loo dhiibo ninkan

Leave a comment

*