Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland oo ka hadlay dilkii Xilibaan Koodhaa
September 21, 2011 - Written byGaroowe, sept,21——Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamaan qoyskii iyo Eheladii Marxuum Cabdiraxmaan Xaaji Axmed oo ahaa xilibaan ka tirsan Golha wakiilada ee Puntlland , Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad cadow ah ay laayaan dadka wax ku oolka ah isagoo ugu baaqay in shacabka reer Puntlland ay foojignaadaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kale oo uu tacsi u diray dhamaan xilibaanada Golaha Baarla maanka Puntlland isagoo uga tacsiyeey geerida xlibaan Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Koodhaa oo dhagar qabayaal ay xalay ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saxaafada u sheegay in kooxaha dilalka fuliya ay u jeedadoodu ay tahay in ay burburiyaan nabada iyo maamulka ka jira Degaanada Puntlland iyagoo adeegsanaya tabo kale duwan, Gudoomiyaha Baarla maanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo wafdi la socday ayaa shalay dib uga soo laabatay howlo shaqo oo ay ku gaareen dalka Norwey gaar ahaan caasimada dalkaas ee Oslo.
Dilalka ka dhac magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ah dilal qorsheyn oo ay soo maleegaan kooxo dano gaar ah leh balse ilaa hadda aan soo shaac bixin marka laga reebo kooxo hubaysan iyo kuwo maamulo ku jira oo lagu eedeeyo in dilalka dhac ay qayb ka yihiin.
M_M_Deeq
Halgan.net