Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland oo ka hadlay dilkii Xilibaan Koodhaa

September 21, 2011 - Written by

Garoowe, sept,21——Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamaan qoyskii iyo Eheladii Marxuum Cabdiraxmaan Xaaji Axmed oo ahaa xilibaan ka tirsan Golha wakiilada ee Puntlland , Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad cadow ah ay laayaan dadka wax ku oolka ah isagoo ugu baaqay in shacabka reer Puntlland ay foojignaadaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kale oo uu tacsi u diray dhamaan xilibaanada Golaha Baarla maanka Puntlland isagoo uga tacsiyeey  geerida  xlibaan Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Koodhaa oo dhagar qabayaal ay xalay ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saxaafada u sheegay in kooxaha dilalka fuliya ay u jeedadoodu ay tahay in ay burburiyaan nabada iyo maamulka ka jira Degaanada Puntlland iyagoo adeegsanaya tabo kale duwan, Gudoomiyaha Baarla maanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo wafdi la socday ayaa shalay dib uga soo laabatay howlo shaqo oo ay ku gaareen dalka Norwey gaar ahaan caasimada dalkaas ee Oslo.

Dilalka ka dhac magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ah dilal qorsheyn oo ay soo maleegaan kooxo dano gaar ah leh balse ilaa hadda aan soo shaac bixin marka laga reebo kooxo hubaysan iyo kuwo maamulo ku jira oo lagu eedeeyo in dilalka dhac ay qayb ka yihiin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online