Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sh Bashiir axmed Salaad oo la hadlay warbaahinta Muqdisho

September 28, 2011 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed Sh Bashiir axmed Salaad oo saaka u waranay saxaafada magaalada muqdisho ayaa sheegay in kulanka culimada iyo waxgaradka kale uga socda magaalada Muqdisho lagu gorfeyn doono sida umada Soomaaliyeed loo fari lahaa wanaaga loona dhex dhigi lahaa is faham iyadoo la odorasayo xaalada guud ee dalka uu marayo. Guddoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir axmed Salaad ayaa sheegay in dan aysan ku jirin in dadka Soomaaliyeed ay dhex dooda  ka dagaalamaan  taas oo sababi karta  in dalka uu baylaha noqdo xaalada hadda uu ku jiran ay ka sii darto.

Guddoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir axmed Salaad ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay talo ka jeediyeen sida ay u arkaan xalka hadda ka hor balse arrinkaas la qaadan waayey balse hadda wax badan oo ay culimadu sheegeen ay soo baxeen qaar kalena ay hadda ifafaalahooda ay muuqdaan.

Guddoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir axmed Salaad iyo  culimo  soomaaliyeed oo ka kala timid gobollada dalka Soomaaliya ayaa soo gaareen magaalada Muqdsho iyagoo kulamo iyo wada tashi la leh culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradka kale duwan ee ku sugan magaalada Muqdisho si talo mid ah looga gaaro xaalada dalka uu marayo si dhibka looga baxo.

Guddoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir axmed Salaad oo mar wax laga wiidiiyey in culimadu ay dhex dhexaadin ka dhex bilaabi doonaa DFKM iyo ururka Al-shabaab ayaa shiikhu waxaa uu yiri . “Wax walba oo suura gal ah waa isku dayeynaa haddii ay tahay wada hadal in la furo iyo  in la isla eego wax danta iyo diinba  dalka ay ku jirto , Shiikh Bashiir ayaa sheegay in aysan jirin cid ka cod satay arrinta dhexdhexaadinta balse culimadu ay wixii waajib kooda diin ah ay soo bandhigi doonaa.

A/cawaale
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. aslaamucalekum.
    aad baan ugu faraxsanahay dowrkii culumada in uu soo laabtay waxaana dhahayaa culumada warkooda ayuu ku jiraa badbaadada umada soomaaliyeed ee ha la maqlo culiumada.
    ws

Leave a comment

*