Madaxweynaha DFKM oo Hotel Lafweyn kula kulmay Saraakiil ka trisan Ciidanka DFKM
September 26, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM SH Shariif ayaa waxaa uu maanta kulan kula qaatay Hoteelka Lafweyn ee magaaladsa Muqdisho qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka DFKM , Saraakiisha Ciidanka laamaha kale duwan ee DFKM ayaa goob joog
ka ahaa kulankii maanta. Madaxweyne Shariif iyo xubnaha la socday ayaa waxaa u jeedadda kulankoodu uu ahaa in uu xog waraysto Saraakiisha Ciidanka DFKM iyo in uu u kuur galo xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka DFKM.
Madaxweynaha DFKM Sh Sariif ayaa waxaa uu warbixino ka dhagaytay Saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM waxaana ay uga warameen xaalada ciidanka iyo goobaha ay difaaca uga jiraan iyo in ay ku howlan yihiin shaqdii loo igmada iyo waajibaadkooda
Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaaa waxaa u mahad celiyey ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM waxaan uu ka codsaday in ay gutaan waajibka ka saaran difaac dalka waa sida uu hadlak u dhigaye.
Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in saraakiisha ciidanka DFKM iyo askarta Dowllada la siin doono abaal marino ku aadan sida xilkasnimada ah ee ay u guteen waajibaadkii saarnaa, Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif ayaa ka dhawaajiyey in ay jiraan kuwa ku labisan dirayska ciidanka DFKM oo dhibaateeya dadka shacabka ah, dhac iyo boobna u geystay gargaarka ay beesha caalamku ugu deeqeen shacabka Somaaliyeed.
Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa sheegay in la tayeen doono ciidanka DFKM isagoo xusay in balan qaadyo kale duwan ay ka heleen Midowga Yurub iyo beesha caalamka , socdaalka uu maanta ku tegay Sh Shariif Hotel Lafweyn ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu ku tago Hotel Lafweyn ilaa intii xilka Madaxweynaha DFKM loo magacaabay.
A/cawaale
Halgan.net