Madaxweyne DFKM Shariif Sh Ahmed oo kormeeray hoolka lagu qabanayo shirka wada tashiga

September 3, 2011 - Written by

Mogadishu:-Somalia, September 3, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa kormeer ku tagay goobihii loogu talagalay shirka wada tashiga ee bilaaban doona barito. Goobaha uu booqday Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xarunta Baarlamaanka oo ah goobta shirku ka furmayo, howgii loogu talagay ergada ka soo qaybgalaysa shirka oo ku yaala Somalifuruud iyo qayb ku taala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport.

 

Booqashada Madaxweynaha ayaa ahayd mid ku salaysan u kuurgalida howlaha qaban-qaabada ee shirka wada tashiga ah ee la filayo inuu dhaco maalinta bari ah. Madaxweynahe Sharif ayaa wuxuu amaan iyo bogaadin u jeediyay howl wadeenadii ka shaqeeyay goobahaas isagoo kula dar-daarmay in si wanaagsan loosoo dhaweeyo wafuuda ka imaanaysa Soomaliya iyo caalamkaba.

Madaxweynaha ayaa markuu kormeerkiisa soo gabagabeeyay wuxuu shir jaraaid ku qabtay garoonka diyaaradaha isagoo farxad iyo wanaag ku tilmaamay in umada Soomaliyeed ay mustaqbalkooda uga tashanayaan shirka wada tashi ee furmi doona barito, Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay ergada ka soo qaygalaysa shirkaan si ay uga qayb qaataaan hanaanka nabada iyo horumarka dalkooda.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa ilaahay ka baryay in shirkaasi uu noqdo mid miro dhal ah una horseeda umada Soomaliyeed mid ka samatabixiya dhibaatada ka jiray dalka mudo 20 sano ah.

– DHAMAAD

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online