Madaxweynihii hore ee DFKM C/laahi Yuusuf iyo Raiisul wasaarihii hore ee DFKM oo soo dhoweeyey Shirkii Wadatashiga(Dhageyso)
September 7, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynihii Hore ee DFKM C/laahi Yuusuf Ahmed ayaa soo dhaweeyey shirka wada tashiga ee Soomaaliya kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho iyada oo ay ka soo qeyb galeen ergooyin kala duwan.
C/laahi Yuusuf Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho oo ku hadla afka DFKM ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin tirada baarlamaanka amniga iyo sida aysan dowladaha dariska ah aysan u rabi in Soomaaliya ay ka dhalato dowlada ayna wataan dantooda u gaarka ah.
Madaxweynihii hore ee DFKM C/laahi Yuusuf Ahmed ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay Soomaalida in ay isku tashtaan qabyaaladana ay ka fogaadaan.
Halkan Ka Dhageyso Madaxweynihii hore ee DFKM CLaahi Yuusuf oo wareysi siiyey Radio Muqdisho
Dhanka kale Raisulwasaarihii hore ee DFKM Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa isna soo dhaweeyey in shirka wadatashiga lagu qabto gudaha Soomaaliya
Raisulwasaarihii hore ee DFKM Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ugu baaqay ergada ka soo qeyb gashay shirka wadatashiga in ay meel mariyaan qodobada ka soo baxay shirka wadatashiga.
A/Cawale
Halgan.net
Codka Radio Muqdisho