Masjid Ibn Uthaymeen ee Leicester oo deeq lacageed gaarsiiyey agoon ku nool Dhabad
September 12, 2011 - Written byLeicester,Sept, 12 – Waxaa bishii Ramadaan ay masuuliyiinta iyo dadweynaha ku xiran Masjid Ibn Uthaymeen ee magaalada Lei cester, UK ay gaarsiiyeen lacag gaaraysa ilaa 2100 doolar oo ay ugu talagaleen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dhabad gaar ahaan agoonta ku nool magaaladaas.
Sh Osman Sh Abdi iyo Ali Xaleef ayaa waxaa uu uga mahad celinaynaa walaalaha Masjid Ibn Uthaymeen ee magaalada Leicester, UK sidda wanaagsan ee ay taageero ugu soo fidiyeen agoonta magaalada Dhabad oo tiradoodu gaarayso ilaa 175 cunug.
no images were found
Dhamaan Masuuliyiinta gacanta ku haya agoonta magaalada Dhabad ayaa u mahad celinaya walaalah Soomaaliyeed ee deeqda soo gaarsiiyey agoonta iyagoo si gaar ah ugu mahadcelinay maamulka Masjid Ibn Uthaymeen ee magaalada Leicester.
Maamulka Masjid Ibn Uthaymeen ee magaalada Leicester iyo dadweynaha ku xiran
ayaa waxaa ay ka qayb qaateen ololihii abaaraha ee lagu taakulaynayey dadweynaha Soomaaliyeed ee ay abaaruhu iyo colaaduhu iskugu darsameen waxaan ay dhaqaalo ay aruuriyeen gaarsiiyey magaalooyin kale duwan.
Halgan.net