Meel ha looga soo wada jeesto kuwa hal doorka dilaya Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid
September 27, 2011 - Written byGaroowe, Sep 27 – Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/llaahi Garaad Cali Ciid oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay muhiim tahay nabad kuwada noolaanshaha beelaha wada dega gobolka mudug iyo in ay muhiim tahay in dadweynuhu ay foojignaadaaan kalena shaqeeyaan nabadgelyada ciidanka amaanka.
Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la dilo hal doorkii dadka dadweynuhuna ay iska fiirsadaan oo aysan sheegin kuwa wax dila taas oo ah wax aan suura gal ahayn, Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa yiri. “ Waxaad maqlaysaa qof baa la dilay wax dila lama yaqaan ama lama qaban dilkiisuna waa qorsheysanaa aawaye ciidankii amaanka iyo shacabkii macquul ma ah in la heli waayo kuwa wax laaya.“.
Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa soo dhaweeyey go,aamadii ay soo saareen Isimadii loo igmada waan waana ka galay colaadii ka dhacday Gaalkacyo isagoo ugu baaqay in go,aamadaas la hirgeliyo lagan fogaado wax walba oo colaad ka dhex abuuri kara beelaha wada dega Puntlland oo iyagu lahaa aasaaskii Puntlland.
Ugu danbayntii ayaa Afhayeenka isimmada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid waxaa uu ugu baaqay laamaha amaanka ee ciidanka iyo dadweynuhuba in ay ka wadashaqeeyaan amaanka iyo nabadgelyada meelna looga soo jeesto kuwa doonaya in ay wax u dhimaan nabadgelyada ka jirta degaanada Puntlland.
M_M_Deeq
Halgan.net