Afartii Muxaadaro ee uu Sh Shible ka jeediyey Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi(Dhagayso)

September 14, 2011 - Written by

Nairobi:-Shiikh Maxamuud Shiikh Maxamed Shibli oo 4-tii habeen ee la soo dhaafay Muxaadaro uu kaga digayey ka bad badinta gaaleysiinta ka waday Masaajidka Hidaaya ayaa habeen hore soo afmeeray.

 

 Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii 4aad

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shibili4.mp3]

Halkaan ka rogo  muxaadaradii 4aad

Sheikha Shible ayaa Muxaadaradiisa  ku soo gabagabeeyey ilaa 13 qaacido oo uu ka soo guuriyey Xaafid Ibnu Waziir, kuwaasoo tilmaamayey sida ayan u habooneyn in lagu dhiirrado dad cudur daar yeelan kara, amaba sameeyey wax aan leysla ogoleyn xukunkooda.

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii 3aaad

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/muxadaro/shibile/Takfiir/shibili3.MP3]

Halkaan ka rogo muxaadarada 3aad

 Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii 2aad

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/muxadaro/shibile/Takfiir/Shibili2.MP3]

Halkaan ka rogo Muxaadaradii 2aad

 

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii 1aad

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/muxadaro/shibile/Takfiir/Sh_Shible1.MP3]

Halkaan ka rogo Muxaadaradii 1aad

 Shiikh Shbili ayaa intii uu waday soo guurinta hadaladii Xaafid Ibnu Waziir ku dhex waday inuu ka digayo ka badbadinta,  wuxuuna mar walba dadka xusuusinayey inuu ka digayo gaaleysiinta dad cudur daar sharci ah yeelan kara ee uusan diidaneyn in la sheego xukunka ficilka xun ee ama fisqi ah ama kufri ah, taasoo la rabo in laga digo iyadoo la caddeynayo daliilka sharciga ah ee ku soo arooray.

Qaaciidooyinka Sheikhu soo guuriyey oo qaarkood uu horey u sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa in ku degdegidda gaaleysiintu ay tahay arin aad u weyn oo khatar badan, wuxuuna aqriyey axaadiith ku soo aroortay oo qaarkood qeybihii hore lagu soo sheegay.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qaaciidoonka in nusuus badan ay ku soo aroortay in Illaahay dad badan oo dambiyo ka galay uu cafiyey, iyadoo naxariista Illaahay ka kasara martay caradisa, cid hor-istaagi kartana ayan jirin.

Markii uu Shiikh Shible u soo afmeerey Muxaadarada ayaa waxaa bilowday qeybta su’aalaha, iyadoona Sheikhu si xeel-dheer uu uga jawaabayey su’aalaha ka imaanayey dadka, wuxuuna  sheegay in su’aalaha qaar uusan ka jawaabeynin balse uu tixgeli nayo ciddii soo qortay, isagoona codsaday in isagana sidaas loo tixgeliyo, waxaana su’aalaha ka soo qaadeyneynaa kuwan.

1- Waxaa Sheikha la weydiiyey inuu caddeeyo inay gaalo tahay xukuumadda KMG Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inuusan ku dhicin inuu gaaleysiiyo, wixii uu habeenadan oo dhan ka soo hadlayeyna ay tahay in aan lagu fududaanin dadka naftooda.

2- Waxaa Sheikha la weydiiyey in Shabaabku ay khawaarij yihiin, wuxuuna sheegay in marka hore qofka wax xukumaya looga baahan yahay inuu macluumaad dhameystiran ka hayo cidda uu xukumayo, sidaas daraadeedna wuxuu sheegay in ay u muuqan karaan waxyaabo ay kaga eg yihiin khawaarijta, balse uusan qaadan karin xukunka ceynkaas ah, wuxuuna intaas ku daray ciddii ehel u ah inay wax xukunto oo macluumeedkeeda daliil u keensata ay u furan tahay, balse wuxuu isagu ka cudur daartay inuusan gaarin qanaaca ah inuu xukunkaas rido.

3- Waxaa Sheikha la weydiiyey in ay jiraan dad isaga u arka inuu Jihaadka ka soo horjeedo, wuxuuna ku jawaabay in Jihaadka uusan ka soo horjeesan karin, balse waxa uu ka hadlay ay tahay Jihaad aan dhameystirneyn oo shuruudihiisa qaar ka mid ah aan la buuxinin, isagoona sheegay in la kala saaro arinkaas iyo Jihaadka.

Sheikha ayaa sheegay in laba arimood ay muhiim tahay in la fahmo:

1- In Jihaadka aan shuruudihiisii dhameystiranin uu khaldan yahay lana caddeynayo inuu sidaas yahay.

2- In Jihaadka aan xaqiijineynin maslaxaddii loo jideeyey aan Jihaad la dhihi karin, maxaa yeelay Jihaadka waxaa loo jideeyey inuu u adeego Maslaxad ee hadduu Mafsaddo noqdo culimadu waxay  mudan tahay inay ka hadlaan oo caddeeyaan meesha wax iska daba marsan yihiin.

Sheikha ayaa sheegay in mushkiladan ah Jihaad baa laga soo horjeedaa ay ka jirto meelo badan oo caalamka Islaamka ka mid ah, wuxuuna intaas ku daray dadka sidaas ku dooda inay yihiin dad hoosta ku wata waxyaaba aan habooneyn oo boor isku qarinaya, sida Sheikhu sheegay.

Ugu dambeyntii: Sheikha ayaa sheegay inuu ka hadli doono arimo badan, sida in la gali karo baarlamaan, la qoran karo ciidan, in aan dadka lagu gaaleysiin karin wax leysku khilaafsan yahay, ama aan la gaaleysiin karin cid ta’wiil haysata, wuxuu kaloo sheegay inuu ka hadli doono kufriga weyn ee diinta looga baxayo in midka yar sida loo kala qaadayo, iyo masaa’il badan oo cilmi ah oo xiiso badan, wuxuuna sheegay in dib ka soo ogeysiin doono haddii Illaahay idmo marka uu ka hadlayo arimahaasi.

Halgan.net + Somalireal
Magaalada Nairobi

8 Comments so far

Leave a comment

  1. Asalamu caleykum walalha iga horeyay ayan rabaa ayago rali aha inaan hal mid ooy isku raceen oga jawabo ikhwaani cilmigu wa cajiib cilmiga waxu ubahan yahay fahaan idinkana waxad manta isku racdeen cilmiga mase masaisha sheekha san rabnay nagaa musan jawabin bilahi caleykum maxa idiin diiday inaad cilmiga barataan inta ad culumada ku edeeneysaan teda kale waqtigii asxabta rasuulka csw ineey waxay yaqanaan ay dhahan allahu warasul;ahu aclam marka waxa manta somaliya kajirto ciid ana mogeen malaha jihadkana ikhwaani wuxuu leyahay sharuud iyo sharci marka jihad waa kalmad balse aad ucuulus una bahaan fahan allah nafahan siyo waxan kujirna waqigii uu rasulka shegaay csw oo uu yiri umad juhala aha aya fatwoneyso culumadan way dhamanayaan hadan culumadi aya umad juhala aha aflagadeneysaaa .waxan i diin leyahay dhalinyarada somalyeed waxay kufududaden af celinta culumada iyo culumada radiinteda wadna ogtihiin alculumaau warasatul aambiya.culumada allahina oga baqaa.

  2. muxaadarada ayaan rabaa inaan dhagaysto muxaadarooyinka shiikh shibili ayaan jeclahay

  3. asc dhaman umadeydan somalida ah slm kadiib siduu wadadku ushegay muxadarada uu ku sifeyay sidey ula muuqato mise diinta waxay ka qabto labadaba midkood fiigradeyda waa inuu cadeeyo waxa eey diinta ka qabto xaga dowlada ama xaga dhalin yarada ee inuu midba midka kale si dacad ah uusan uga hadlin ama uu ka gabsado ama waxaa aydiinta kaqabto inuu sheego haduusan aqoona ka gabsado waa waajiib ee alaah waxaaynu kabaryeynaa inuu tabta toosan nagu hogansho amiin alaah hanoo keeno maslaxad caama ah ileen waynu is dubanay oo qaarkeen qaarkale xasuuqayaan alaah adaan ku tala saaraney aqiiro iyo aduun amiin/

  4. horta culimada uu kamid yahay sheikheena sheikh shibili waa mahadsanyihin dacwada qayb libaax ayayka soo qaateen,, laakiin waxaa is waydiin mudan,, 24saac culimada sheikha la midka ah waxay saaranyihin rag Mujaahidiin ah,, oo dacwadii ay wadeen culimadaas ayadoo ficil ah fulinaaya,, 24saac Mujaahidiinta ayay u nisbaynayaan wax aysan ahayn, somalida Murtadiinta ah iyo gaaladana waa laga ganbanayaa culimada waxaan idin leeyahay Ilahey uga cabsada cilmigiina,. saro dhaadheer oo Business inta laga samaysto wadan gaalo walalahaas ribaadka kujira afkiina ka daaya waa talo mahadsanidin

  5. sheekh shibli waa sheekh miizaaan leh dowlada somalia wa dowlad xun lakin rido iyo gaalnimo waxaas wa arayada takfiiryiinta oo ayla fududahay ama shabaab ma dhahayno waa takfiir kuli ah lakin in ay qayb ahaan takfiir yihiin horay waxaan u cadeeyya sheekh maxmed cabdi umal xafahullaah aniga waxaanba isleeyahay raggaan astaamaha ay tafkiirka uga egyihiin waaba 70% hadii aaneey isdaba qabana waxaan u malaynaya inaan loo dhaafi doonin in ay umada somaliyeed murugada ku hayaan

  6. Assalamu caleykum. Horta anigu cajaladaha aad soo galiseen web siteka ma wada dhageysan wali oo waqti uma helin waanse dhagaysan doonaa dhamaantood inshaAllah Waxaanse aqriyay suaalaha waxaana la yaab igu noqotay in marka wadaadka la waydiiyay in dawladu rido tahay uusan dhihin ma aha ee uu yidhi kuma dhaco inaan xukunkaas ku rido sidoo kale ma uusan dhihin xog igu filan ama cilmi igu filan oo aan xukunkaas ku rido mahayo mana uusan dhihin waa u egyihiin isla markaas marki la waydiiyay in shabaabku khawaarij yihiin wuxuu yidhi meelo waa uga egyihiin laakiin xog igu filan kama hayo marka hadalladasu waa sidee bal ha la ii faahfaahiyo hadday jirto cid faahfaahin karta ama wadaadkuba uu faahfaahin karo.

    • Assalamu caleikum
      Walaal ma iska laazimaysaa in uu sheiku ku tilmaamay sifooyin khawaarij alshabaab iyo inuu ka qaato jawaab taas lamid ah inuu ka qaato DFKM ?

      • Walaal mohamed waxa laazim ah suu shiikha uga gaabsaday dowlada kmg in uu uga gaabsado al-shabaab madaama sh shible xamar muusan u safrin marka hadii uu ka gaabsado dowlada xog la’aan daraadeed wa in uu shabaabna ka gaabsado. hadii kale xamar haa u safro qalin iyo buugna ha qaato markaas ha noo waramo asago baritaan dheer ku sameeyay labada dharaf. hadii kale waa cadaalo daro.

Leave a comment

*