Xaggee bay maraysaa Nabadayntii Colaadii ka dhacday Gaalkacyo ?
September 14, 2011 - Written byGaalkacyo Sept, 13 Waxaa meel wanaagsan maraya nabadeyntii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay u qumeeen isimada iyo culumada waxaana loo saaray gudi ka kooban ilaa 15 Isim oo si weyn looga qadariyo deegaanada Puntland gudiga ayaa maanta waxaa uu ku guuleystay in ay qaadaan soona afjaraan Jidgooyooyinkii ku haray goobihii ay dagaaladu ka dheceen oo u yaalay labadii dhinac ee ku dagaala may magaalada Gaalkacyo.
Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka mid ahaa isimadii loo xilsaaray xalinta khilaaf ka magaalada Gaalkacyo ayaa saxaafada warbixin kooban ka siiyey xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ay guul weyn ka gaareen nabadeyntii ay ka wadeen magaalada Gaalkacyo.
no images were found
Ugaas Cali Ugaas Maxamed oo ah Ugaaska beesha Leelkase ayaa sheegay in xaalada Gaalkacayo xiligan ay tahay mid xasiloon nabad buuxdana la dhex dhigay labada dhinac wuxuuna ugu baaqay dadweynihii ka barakacay magaalada Gaalkacyo in ay dib ugu soo laabtaan ka dib markii xal laga gaaray colaadii socotay.
Ugaas Cali Ugaas Maxamed ayaa waxaa uu mahad weyn u celiyey isimada waaweyn ee deegaanada Puntland oo si weyn uga qeyb qaatay nabadeynta magaalada Gaalkacyo iyo culumada ka timid gobalada kala duwan ee Puntland oo uu horkacayey Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan.
Dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa geystay khasaaro leh naf iyo maal iyo barakac xoogan balse culumada isimada iyo waxgaradka ku nool Puntland ayaa ku guuleystay in ay colaadii joojiyaan waxayna wadaan in ay soo afmeeraan dhawaan inta dhiman.
M_M Deeq
Halgan.net