Odaaysha beesha Majeerteen oo Bayaan ka soo saaray Dagaalkii Gaalkacyo

September 6, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Odayaasha beesha Majeerteen ee ku dhaqan Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay iska fogeeyeen in beel ahaan ay qayb ka ahaayeen dagaal kii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha ayaa tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka haday yihiin Ciidanka Puntlland , shacab iyo dadkii kale ee ay wax ku gaareen dagaalka. Bayaanka odayaasha beesha Majeerteen ay soo saareen ayaa waxaa saxaafada u akhri yey Nabadoon Xabiib Xirsi Bare.

Nabadoon Xabiib Xirsi Bare ayaa sheegay in ay taageerayaan waan waanta iyo nabadeynta socota , waxaana uu tilmaamay in wax  laga xumaado ay tahay in dad siyaasiyiin ah ay saxaafada mariyaan hadalo wax u dhimaya jirtaanka Puntlland iyo in ay kala qaybiyaan beelaha wada degan magaalada Gaalkacyo.

Nabadoon Xabiib Xirsi Bare ayaa yiri  “Waxaan caddeyneynaa in xaafadaha magaalada Gaalkacyo sidda Garsoor, Israac iyo Horumar iyo kuwa kaleba ay yihiin xaafado la wada degan yahay, Puntland aysan kala lahayn xaafadaha”, odayaa sha ayaa ka codsaday dadkii ka qaxay magaalada in ay guryahooda ay ku soo laabtaan maadaama ay waan waantu marayso meel wanaagsan.

Nabadoon Xabiib Xirsi Bare ayaa sidoo kale waxay uu ugu baaqen in dadka ay joojiyan rasaasta ay kor u ridyaan oo ay odayaashu sheegen in ay dhibayso dadka rayidka ah ee ku nool magaalada.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online