Ra’iisul wasaaraha DFKM C/weli Gaas oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Dowllada Qatar.(Sawiro)
September 23, 2011 - Written byRa’iisul Wasaaraha Qatar ayaa isna dhankiisa sheegay inay dowladda Qatar ay diyaar u tahay inay Somalia ka saacido dhanka gar-gaarka bani’aadanimo , wuxuuna xusay in hay’adihii gargaarka ee Qatar ay joogaan Muqdisho oo ay ka qayb qaadanayaan taakulaynta shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan , Waxuu kaloo sheegay in ay Qatar diyaar u tahay inay Dowladda ka saacido arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta iyo siyaasadda.
no images were found
Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Xoghayaha Guud ee Ururka Waddamada Islaamka (OIC) Professor Ekmeleddin Ihsanoglu, Guddoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika Ramtane Lamamra, iyo Ku Xigeenka Ban Ki Moon ee arrimaha Gar-gaarka Bani’aadanimo haweeneyda lagu magacaabo Valarie Ann Amos iyo mas’uuliyiin kale.
Prof Cabdiweli ayaa kala hadlay dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay arrimaha abaaraha, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, isla markaana si gaar ah wuxuu ugala hadlayey sidii shacabka soomaaliyeed si deg-deg ah loogu soo gaari lahaa, isla markaana loogu abuuri lahaa kaabayaal dhaqaale si ay noloshooda u horu mariyaan.
Source: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
Halgan.net