Ra’iisul wasaaraha DFKM C/weli Gaas oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Dowllada Qatar.(Sawiro)

September 23, 2011 - Written by
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan isagoo ka qeyb galaya Shirka Guud ee Qaramada Midoobey kaas oo ah kii 66-aad oo si rasmi ah uga socda xarunta QM ee New York. Mas’uuliyiintii uu la kul mayna waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Qatar  Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabor Al Thani, kaas oo ay isla soo qaadeen arimo dhowr ah oo kamid yihiin xiriirka ka dhexeeya Labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa isna dhankiisa sheegay inay dowladda Qatar ay diyaar u tahay inay Somalia ka saacido dhanka gar-gaarka bani’aadanimo , wuxuuna xusay in hay’adihii gargaarka ee Qatar ay joogaan Muqdisho oo ay ka qayb qaadanayaan taakulaynta shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan , Waxuu kaloo sheegay in ay Qatar diyaar u tahay inay Dowladda ka saacido arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta iyo siyaasadda.

no images were found

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Xoghayaha Guud ee Ururka Waddamada Islaamka (OIC) Professor Ekmeleddin Ihsanoglu, Guddoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika  Ramtane Lamamra, iyo Ku Xigeenka Ban Ki Moon ee arrimaha Gar-gaarka Bani’aadanimo haweeneyda lagu magacaabo Valarie Ann Amos iyo mas’uuliyiin kale.

Prof Cabdiweli ayaa kala hadlay dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay arrimaha abaaraha, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, isla markaana si gaar ah wuxuu ugala hadlayey sidii shacabka soomaaliyeed si deg-deg ah loogu soo gaari lahaa, isla markaana loogu abuuri lahaa kaabayaal dhaqaale si ay noloshooda u horu mariyaan.

Source: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online