Radio Salaam oo barmaamij ka sameeyey shirka Culimada ee ka socda Muqdisho(Dhagayso)

September 28, 2011 - Written by

Mombas :-Radio Salaam oo saldhigiisu yahay magaalada Mombas ee dalka Kenya kuna hadla afka Sawaaxiliga iyo Soomaaliga ayaa sii daayey barnaamij ay ku soo qaateen dadaalada ay Culimada Soomaaliyeed ku bixinayaan siddii nabad looga dhalin lahaa dalka Soomaaliya,iyagoo la kaashanaya Culimada Islaamka ee Aduunka. Radio Salaam ayaa sii daayey qayb ka mida waraysi lala yeeshay Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay kulan  Culimada uga socda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

 Barmaamijka ayaa waxaa ka qayb qaatay Shiikh Maxamed Idirs iyagoo dadweynaha dhagay sanayey Radio Salaam ay su,aalo weydiiyeen Sh Maxamed Idirs Axmed isagoo wadaadku su,aalaha la wiidiiyey uga jawaabay dadweynihii la soo xiriiray idaacada

 Hoos ka Dhagayso Barmaamijka oo Dhamaystiran qaybtiisii 1aad

 [audio:http://f.cl.ly/items/3f302N31323W1B042t19/sheikh%20mohmed%20Radio%20salaam.MP3]

Source  Radio Salaam
Mombas ,Kenya

 

 

 

 

8 Comments so far

Leave a comment

  1. culimada soomaaliyeed laahay haka ajarsiiyo doorkooda ay waligood kusoo jireen, dadkan iyo dalkaan weligeed ayaa islaamku kasoo jirey gaalana lala dagaalami jirey diintaana la difaaci jirey, culimo iyo caamana isku duubnaayeen oo diintooda wada difaacan jireen, weligoodna aan laga adkaan laakiin kooxdaan yaryarka ah ee iyagu aad moodo in nebi soo baxayi u yimid keligood ee gaalniomada iyo tafsiiqinta iyo tabdiicinta culimadii afaadilka ahayd ee ummadda ee wligood diinta usoo taagnaa kula dhaqaaqdey waxba warkodu qiimo ma lahan, nin isaguba laga hagayo kumanaan meyl ka shishe oo remout control uu ku hagayo nin aan ummadaan soomaaliyeed iyo dantooda waxba kala soconin yaan loo aabo yeelin culimaduna ha wadaan wixii ilaahay berri weydiinayo ee ah xaqa oo dadka la qaarsiiyo, kooxaha madaxa fududna iyagu namaanay soo gaarsiin diintaan ee culimadeedii soo jireenka ahayd baa imikana joogta meel ay tageen wiilashaan afka duuban ma jirto oo aanu hoog ka dhicin iyo bur bur diineed iyo mid dad iyo dalba.
    bal dib ugu noqda wixii kooxahaas madaxa fududi ka sameeyeen masar, Aljeeriya ,chechniya ,ciraaq libiya oo intaas oo dhami aan laga dheefin natiijo la mahadiyo illaa iyakii inbadan oo ka mid ah ay dib isu eedeeyaan oo ka soo noqdeen afkaartoodii ka dib markii dad iyo duunyo farabadan ay sahaydeen…marka kooxahaan jar iska xoorka ah yaan dheg jalaq loo siin ee hadda soo rucleeyey, daadxoortuna waa iska tegi oo baabi,i waxa harayaana waa waxa dadka anfacaya…

  2. marka hore albaabkii jihaadku waa furan yahay ilaa maalinta qiyaame.
    laakiin jihaadku waa in ku dhisan yahay aqoon diimeed iyo in ay hogaan ka u qabtaan culimada,dadka dadka gaalisiinya waa ilaah u soo noqdaan

  3. Culimada ilaahay ajar haka siiyo dadaalkooda

  4. Salaamu Calaykum
    Culumada alaha xaqa ku toosiyo waa in ay bayaan cad ka soo saaraan DFKM iyo ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab si dhacabka soomaaliyeed u qaato towjiihaadka culumada Culumada waan ku raacsan nahay in ay islaaxa ayna dhag u dhigin kuwa cagaha soo qoystay oo culumada iska dhigaya masaajidadana soo gala sida uu ku sheegay Sh Shible muxaadaradaadkiisii

  5. scw
    waxaan mahadleh illaaha xaqa lagu caabudo kaliya kadibna walaalaha maamula websaydka Halgan Net siday hufan oo ay ugusoo gudbina yaan…shirkaan ka dhacaya somaliya culumada somaliya ku kulmaayaan ilahaayna waxaan oga baryaaya inuu waafajiyo Ilaah-raalikayahay

  6. scw

    Waa wax aad loola yaabo in dad da,a yar ah ay culimada iska caayaan iyagoon waxba hubsan , ogaada dhalinyarow masalaxada diinta iyo dalka baa ka weyn koox danteeda, sidaas darteed waxaan taageersanahay in culimadu ay wixii musaalaxa ah oo aan diinta khilaafsanayna ay dhexdhigaan kooxa dalka isku haya wixii la isku qabtana kitaabka loo bandhigo cay iyo aflagaado cidna wax kama celiso , mida kale nin Yurub iyo reer Galbeed ku nool isaga ha is tuhmo inta uu culimada Soomaaliyeed tuhmi lahaa sabab inagu iyagaan diintooda ku kalsoo nahay

    ws

  7. scw

    Aad baan u taageersanahay dadaalka culimadeena Soomaaliyeed ay wadaan
    waxaan oran lahaa kuwa lagu qofilay ajanade aysan war u hayn alle jha u soo laabtaan dalkaan Soomaali baa leh iyagaan ka wada tashanaya dantooda culimadana waa kuwii dhaxlay hadyiga nabigeena dalna iibsan mayaan cadowna uma shaqeeyaan ee waxaa jira kuwa madaxno iyo fiqi xumo ay madax martay ee iska ilaaliya kuwaas.

    Thanks maamulka Halgan.net

    ws

  8. waa arin cajiib ah in dad culimo isku sheegaya ay dhahaan waxaan dhex dhexaadinayna mujahidiin iyo gaalo iyo gaalo raacyo!!! walaahi waa arin dadka muslimiinta somaaliyeed ee lagumaadayo kunoqotay arin layaab leh..hada culimadaanu waxay kasoo takhaluseen wadaadii somali galbeed oo ay kudareen wabigii malez zanawi..hada waxay rabaan mujaahidiinta in ay israaciyaan..Taasina laguma guulaysanayo inshallah..Meesha waxaa kusoo harin mujaahidiinta iyo walaalohooda u nusreeya..Inta kale soo ma ahan wabiga nasriga ayaan horay usiiqaadan..OOGAADA somaliya shareecada iyo jihad waxaan ka ahayn kama shaqayn doonaan…Allahu AKbar!!!!!

Leave a comment

*