Raisul wasaaraha DFKM oo beeniyey in ay ka baxeen Khudbadii Ahmed Najad(Dhageyso)
September 26, 2011 - Written byMinisota:-Raisal-wasaaraha Somalia Cabdiweli Max’ed Cali ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaalia ee VOA wuxuu ku beeniyay in Somalia ay ka mid ahayd dalalkii ka baxay markii ay socotay khubaddii madaxweynaha Iran ee golaha guud ee QM.
Cabdiweli wuxuu sheegay in isaga iyo wafdiga Soomaalida ee uu hoggaaminayay ay goobjoog ahaayeen oo ay dhageysanayeen khudbadda Axmedinejad.
Qaar ka tirsan warbaahinta ayaa qoray in dalal gaaraya 30 dal oo ay Somalia ka mid tahay ay ka baxeen khudbaddii uu Axmedinejad taasoo si ay ugu dhaliilo dalalka reer Galbeedka, gaar ahaa Maraykanka. C/weli wuxuu sheegay inay dhici karto in saxaafaddu ay magaca Somalia ku khaldaan magacyada dalalka kale ee kabaxay markii ay socotay khudbadda madaxweynaha Iran.
Raisal-wasaare C/weli wuxuu wareysigan uga hadlay kulamadii ka dhacay QM ee looga hadlayay xaaladda siyaasadda iyo abaaraha ee Somalia.
Wareysiga oo buuxa qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Iran uu ka jeedshay QM Ahmed Najad.
Khudbadii Madaxweynaha Iran Ahmed najad oo Dhameystiran halkan ka Daawo
Xigash0 VOA
Halgan.net