Raisulwasaaraha DFKM Abdiwali Mohamed Ali Gaas oo gaaray magaalada Copenhagan
September 26, 2011 - Written byDenmark:-Ra’iisal wasaaraha Dr. Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa galabta soo gaaray magaalada Copenhagan ee xarunta dalka Denmark ,Raisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan shir caalami ah oo ka dhici doona dalka Denmark waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Copenhagen Airport qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Denmark.
Raisulwasaaraha DFKM iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay la kulmi doonaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark iyo masuuliin ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Denmark.
A/Cawale
Halgan.net