Shir looga hadlayo arimaha dalka soomaaliya oo saaka ka furmay Denmark
September 29, 2011 - Written byDenmark:-Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Copenhegan ee xarunta dalka Denmark shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi ka kala socda DFKM ,Puntland ,Galmudg iyo Somaliland kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICCG. Wafdiga DFKM ayaa waxaa horkacaya Raisulwasaaraha DFKM Prof.Cabdiweli Gaas waxaa kale oo shalay soo gaaray Denmark wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baar lamaanka DFKM Shariif Xassan iyo xildhibaano la socda.
Shirka ay soo qabanqaabisay ICCG ayaa waxaa shirgudoominayey ergayga gaarka ah QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr. Mahiga waxaana kulankii 20aad ee kooxda xiriirka caalamiga ah ay qabato.
Kulanka ayaa waxaa kale oo ka hadlay Raisulwasaaraha DFKM Prof Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu ka hadlay qaabka ugu haboon ay DFKM u soo celin karto nabada iyo sidii loo dhaqan galin lahaa heshiiska dhexmay DFKM iyo Maamulada ka jira dalka Soomaaliya iyada oo la waafajinayo cahdiga DFKM.
Shirkan ayaa wuxuu socon doona mudo laba maalmood ah waxaa kale oo shirka ka soo qeyb galay wafuud kale oo ka kala socota Mareykanka Yurub iyo qaar ka mid ah xisbiyada dalka Denmark.
C/fitaax Ahmed Yuusuf
Denmark