Shir looga hadlayo arimaha dalka soomaaliya oo saaka ka furmay Denmark

September 29, 2011 - Written by

Denmark:-Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Copenhegan ee xarunta dalka Denmark shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi ka kala socda DFKM ,Puntland ,Galmudg iyo Somaliland kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey  kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICCG. Wafdiga DFKM ayaa waxaa horkacaya Raisulwasaaraha DFKM Prof.Cabdiweli Gaas waxaa kale oo shalay soo gaaray Denmark wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baar lamaanka DFKM Shariif Xassan iyo xildhibaano la socda.

 

Shirka ay soo qabanqaabisay ICCG ayaa waxaa shirgudoominayey  ergayga gaarka ah QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr. Mahiga waxaana kulankii 20aad ee kooxda xiriirka caalamiga ah ay qabato.

Kulanka ayaa waxaa kale oo ka hadlay Raisulwasaaraha DFKM Prof Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu ka hadlay qaabka ugu haboon ay DFKM u soo celin karto nabada iyo sidii loo dhaqan galin lahaa heshiiska dhexmay DFKM iyo Maamulada ka jira dalka Soomaaliya iyada oo la waafajinayo cahdiga DFKM.

Shirkan ayaa wuxuu socon doona mudo laba maalmood ah waxaa kale oo shirka ka soo qeyb galay wafuud kale oo ka kala socota Mareykanka Yurub iyo qaar ka mid ah xisbiyada dalka Denmark.

C/fitaax Ahmed Yuusuf
Denmark

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online