Shir Muhiim ah: Sidee loo horumarin karaa Cayaaraha Soomaaliya? Iyo Doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Sportiga
September 13, 2011 - Written byLondon:-Gudiga Olympiga Soomaaliya ayaa soo qaban qaabiyay shir aad u muhim u ah , shirku wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd 11 September 2011, wuxuu ka dhacay magaalada London, UK . Shir weyna haan waxaa looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa cayaaraha Soomaaliya isla markaasna looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan, sidoo kale waxaa looga hadlay qaabkii la isugu diyaarin lahaa cayaalaha Olympic-ga ee sanadka soo socda 2012-ka. Waxaa kale oo Agendaha ka mid ahaa sidii ay Qurba joogta Soomaaliyeed uga qayb qaadan laahyd horumarinta Sportiga.
no images were found
Waxaa ka soo qaybgalay:
A. Gudiga Olympic-da Soomaaliya:
Durraan Axmed Faarax, (GOS) Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Olombiga Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Xiriirka dibadda
Maxamed Muuse (GOS) Madaxa Zone-ka 4aad Olombiga Soomaaliya
Cabduqaadir Bootaan (Soomaney) GOS-Wakiilka Olombiga ee Talyaaniga
Ahmed Dayib Nor (GOS) Sport Development Co-ordinator/Advisor ee Olombiga Soomaaliya
B. Xiriirada Olombiga Soomaaliya:
- Xiriirka Basketball-ka, (Guddomiye ku xigeenka Maxamed Xaji iyo Macalin qaran Xaaji Ereg
- Xiriirka kubadda cagta, (Wakiilada Yurub, Bashiir Jeenyo, Rabiic, Islow & Colaad)
- Xiriirka cayaaraha fudud (Guddomiye ku xigeen Saney)
- Xiriirka Kubbadda Gacanta (Guddomiye ku xigen Max’ed C/lahi iyo Xoghayaha guud Nuur Maye)
C. Urarada Cayaaraha ee ka jira UK iyo Yurub:
- Somali Federation Sports (ururka Serie A-da) 2. Somali Week. Eurosom. 3. SSIFO. 4. Horn of Africa Youth Puntland
Sports Culture Education & Development Organization
Sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay;
D. Ururo ka socda Diaspora-da Soomaalida UK
E. Tababarayaal heer qaran oo Soomaaliya magac ku leh, sida, Shiine Guhaad, Bashiir Gurey iyo Xaaji Ereg
F. Cayaartooy hore ee Soomaaliyeed oo qaarkood hadda yahay macalimiin, waxaa ka mid ahaa (Bashiir jeenyo , Xaaji Ereg, shidane, Maxamed handball, Saney, Zakariye Baliile, Ahmed Bile iyo Mohamud Ismacil Xassan Fresh)
G. Dad Soomaali ah oo danaynaya horumarinta Cayaaraha
Bilowgii shirka waxaa warbixin dheer soo gudbiyay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Olympic-ga Soomaaliya, ahna madaxa xiriirka dibadda Mudane Durraan Axmed Faarax. Wuxuu soo bandhigay waxyaalihi ay qaybteen sanadihii la soo dhaafay, qorshaha sanadaha soo socda, caqabadihii ka hor yimid, iyo sida ay u arkaan in looga gudbi karo. Sidoo kale waxaa warbixino soo gudbiyay xiriirada qaranka Soomaaliyeed ee joogay goobta, waxay ka hadleen qaabka ay u arkaan in loo horumarin karo cayaaraha Soomaaliya, duruufo adag oo ay soomareen iyo caqabadaha hortaagan