Shir Muhiim ah: Sidee loo horumarin karaa Cayaaraha Soomaaliya? Iyo Doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Sportiga

September 13, 2011 - Written by

London:-Gudiga Olympiga Soomaaliya ayaa soo qaban qaabiyay shir aad u muhim u ah , shirku wuxuu dhacay  taariikhdu markay ahayd 11 September 2011, wuxuu ka dhacay magaalada  London, UK . Shir weyna haan waxaa looga hadlayay  sidii loo horumarin lahaa cayaaraha Soomaaliya isla markaasna looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan, sidoo kale waxaa looga hadlay qaabkii la isugu diyaarin lahaa cayaalaha Olympic-ga ee sanadka soo socda 2012-ka. Waxaa kale oo Agendaha ka mid ahaa sidii ay Qurba joogta Soomaaliyeed uga qayb qaadan laahyd horumarinta Sportiga.

no images were found

Waxaa ka soo qaybgalay:

A. Gudiga Olympic-da Soomaaliya:

Durraan Axmed Faarax, (GOS) Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Olombiga Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Xiriirka dibadda

Maxamed Muuse (GOS) Madaxa Zone-ka 4aad Olombiga Soomaaliya

Cabduqaadir Bootaan (Soomaney) GOS-Wakiilka Olombiga ee Talyaaniga

Ahmed Dayib Nor (GOS) Sport Development Co-ordinator/Advisor ee Olombiga Soomaaliya

B.  Xiriirada Olombiga Soomaaliya:

  1. Xiriirka Basketball-ka, (Guddomiye ku xigeenka Maxamed Xaji iyo Macalin qaran Xaaji Ereg
  2. Xiriirka kubadda cagta, (Wakiilada Yurub, Bashiir Jeenyo, Rabiic, Islow & Colaad)
  3. Xiriirka cayaaraha fudud (Guddomiye ku xigeen Saney)
  4. Xiriirka Kubbadda Gacanta (Guddomiye ku xigen Max’ed C/lahi iyo Xoghayaha guud Nuur Maye)

C. Urarada Cayaaraha ee ka jira UK iyo Yurub:

  1.  Somali Federation Sports (ururka Serie A-da) 2.  Somali Week. Eurosom. 3. SSIFO. 4. Horn of Africa Youth Puntland
    Sports Culture Education & Development Organization

 Sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay;

D. Ururo ka socda Diaspora-da Soomaalida UK

E. Tababarayaal heer qaran  oo Soomaaliya magac ku leh, sida, Shiine Guhaad, Bashiir Gurey iyo Xaaji Ereg

F. Cayaartooy hore ee Soomaaliyeed oo qaarkood hadda yahay macalimiin, waxaa ka mid ahaa (Bashiir jeenyo , Xaaji Ereg, shidane, Maxamed handball, Saney,  Zakariye Baliile, Ahmed Bile iyo Mohamud Ismacil Xassan Fresh)

G. Dad Soomaali ah oo danaynaya horumarinta Cayaaraha

Bilowgii shirka waxaa warbixin dheer soo gudbiyay gudoomiye ku xigeenka 1aad  ee Olympic-ga Soomaaliya, ahna madaxa xiriirka dibadda Mudane Durraan Axmed Faarax. Wuxuu soo bandhigay waxyaalihi ay qaybteen sanadihii la soo dhaafay, qorshaha sanadaha soo socda, caqabadihii ka hor yimid, iyo sida ay u arkaan in looga gudbi karo. Sidoo kale waxaa warbixino soo gudbiyay xiriirada qaranka Soomaaliyeed ee joogay goobta, waxay ka hadleen qaabka ay u arkaan in loo horumarin karo cayaaraha Soomaaliya, duruufo adag oo ay soomareen iyo caqabadaha hortaagan

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online