Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Ali Keenadiid Nabadayntii colaadii magaalada Gaalkacyo meel fiican bay maraysaa
September 20, 2011 - Written byGaalkacyo:-Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali (Keenadiid ) oo ka mid ah Isimadii ku howlanaa xalinta colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo saaka la hadlay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in waan waantii ka socotay magaalada Gaalkacyo ay meel fiican marayso isagoo warar been abuur ah ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu fashilmay nabadeyntii laga waday magaalada Gaalkacyo.
Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali (Keenadiid ) ayaa waxaa uu ka mid ahaa ilaa 16 Isimo ah oo loo xilsaaray xalinta colaadii ka dhacday Gaalkacyo, Suldaan Cabdulqaadir Cali Keenadiid ayaa ugu baaqay dhamaan bulshada ku nool Puntlland in ay ka fogaadeen dadka ka shaqay naya warxuno tashiilka kuna howlan in ay iska horkeenaan bulshada ku nool Gaalkacyo.
Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali(keenadiid )ayaa waxaa uu warbaahin Horseed Media u sheegay in xaalada guud ee Gaalkacyo ay tahay mid xasiloon wax colaad ahna aysan ka jirin xaaladuna ay meel fiican ay marayso.
Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali(Keenadiid ) ayaa ugu danbayntii ugu baaqay in ay ka fogaadeen dadka ku howlan in ay carqaladeeyaan waan waanta iyo nabadaynta ay wadaan Isimadu waxaa uu ku booriyey wax garadka ,culimada in ay ka foojignaadaan dadka waxyaabaha been abuur ka ah fidinaya.
Dad aan ahany kuwa jecel nabad iyo wada degaanshaha beelaha Soomaali yeed ayaa ku mashquulsan in colaadii ka dhacady Gaalkacyo ay uga faa.iidaystaan siyaasadooda guracan oo ah in umada la isku diro ka dibna beelaha wada dega magaalada Gaalakcyo loo kala bixiyo magacyo si ay colaadoodu u noqoto mid ay ka faa.idaystaan dadka cadowga u ah nabad dalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net