Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Ali Keenadiid Nabadayntii colaadii magaalada Gaalkacyo meel fiican bay maraysaa

September 20, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali (Keenadiid ) oo ka mid ah Isimadii ku howlanaa xalinta colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo saaka la hadlay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in waan waantii ka socotay magaalada Gaalkacyo ay meel fiican marayso isagoo warar been abuur ah ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu fashilmay  nabadeyntii laga waday magaalada Gaalkacyo.

Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali (Keenadiid ) ayaa waxaa uu ka mid ahaa ilaa 16 Isimo ah oo loo xilsaaray  xalinta colaadii ka dhacday Gaalkacyo, Suldaan  Cabdulqaadir Cali Keenadiid ayaa ugu baaqay dhamaan bulshada ku nool Puntlland in ay ka fogaadeen dadka ka shaqay naya warxuno tashiilka kuna howlan in ay iska horkeenaan bulshada ku nool Gaalkacyo.

Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali(keenadiid )ayaa waxaa uu warbaahin Horseed Media u sheegay in xaalada guud ee Gaalkacyo ay tahay mid xasiloon wax colaad ahna aysan ka jirin xaaladuna ay meel fiican ay marayso.

Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cali(Keenadiid ) ayaa ugu danbayntii ugu baaqay in ay ka fogaadeen dadka ku howlan in ay carqaladeeyaan waan waanta iyo nabadaynta  ay wadaan Isimadu waxaa uu  ku booriyey wax garadka ,culimada in ay ka foojignaadaan dadka waxyaabaha been abuur ka ah fidinaya.

Dad aan ahany kuwa jecel nabad iyo wada degaanshaha beelaha Soomaali yeed ayaa ku mashquulsan in colaadii ka dhacady Gaalkacyo ay uga faa.iidaystaan siyaasadooda guracan oo ah in umada la isku diro ka dibna beelaha  wada dega magaalada Gaalakcyo loo kala bixiyo magacyo si ay colaadoodu u noqoto mid  ay ka faa.idaystaan dadka cadowga u ah nabad dalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online