Taliyihii qaybta bilayska gobolka Bari oo la filayo in loo magacaabo Col. Cismaan Afdalaw

September 30, 2011 - Written by

Bosaaso, Sep 30 – Taliyihii qaybta bilayska gobolka Nugaal Col. Cismaan Xassan Cali Cuuke Afdalaw ayaa  waxaa mar kale la filayaa in loo wareejiyey Gobolka Bari isagoo loo magacaabay taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Bari. Col. Cismaan Xassan Cuuke ayaa  ah nin aqoon u leh ciidanka Booliska isagoo la filayo in wax weyn uu ka bedelo amaanka magaalada Boosaaso  oo hadda ah mid aad u wanaagsan.

 Taliyaha cusub ee loo wareejinayoy gobolka bari Afdlaw ayaa xilka loo magacaabayaa ka dib markii  Taliyihii qaybta ciidanka Boolika a ee Gobolka Bari Col. Axmed Ganni Cali Shire uu xilka iska casilay maalin ka hor isagoo ku eedyey madaxda dowllada Puntlland gaar ahaan laamaha amniga in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga magaalada Boosaaso iyo isagoo codsaday in ciidan dheeraad ciidanka Booliska lagu soo xoojiyo.

Ilaa hadda ma  soo bixin wareegto ku astaysan in xilka looga xayuubiyey Taliyihii hore ee qaybta Booliska Gobolka Bari Col. Axmed Ganni Cali Shire laguna magacaabay Col. Cismaan Xassan Cali Cuuke Afdalaw, Col Cismaan  Cuuke Afdalaw ayaa bilihi u dan beeyey waxaa uu ahaa Taliyaha qaybt ciidanka Booliska ee Gobolka Nugaal.


M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online