Waan ka shakiyee sheekada inoo jooji!. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

September 5, 2011 - Written by

Nairobi:Marka hore Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah, nabad galyo iyo naxariisna ha’ahaato Nabigeena dushiisa (SCW) Soomaalidu waxa ay caan ku tahay sheeko wadaag, waa dad inta badan iska wareysta xaaladaha jira, waa dad marka ay sheekeysanayaan kor u hadla, haddii aad tahay qof aan Soomaali aheyn oo aad soo gasho meelaha ay ku sheekeystaana waxaaba laga yaabaa inaad u qaadato in goobta lagu dagaalamayo.

Dhib ayaa kala haysta iyaga iyo bulshooyinka ay la nool yihiin, waa Soomaalida dalka dibadda uga baxdaye, waxaana waddamada qaarkood laga soo dacwooday Soomaali jidadka kooxkoox u taagan oo sheekooyinka kor u qaadaya, balse markii la baaray waxaa la ogaaday in ayan dhib u dan laheyn ee ay sidaas u dhaqmaan.

Muxuu yahay Shakigu?

Iyadoo ay Soomaalidu dhaqankaas leedahay ayaa hadana waxaa waayadan soo batay dad xasaasiyad ka qaba dadka ayan waji garaneynin, waxaana dhacda in dad hal meherad wada fadhiya oo midiba dan u yimid meesha, ay kala shakiyaan, iyagoo qoloba qolada kale uga shakido inay qolyo kale u Jaasuusayaan.!!!!!.

” Muxuu ahaa ninkan na ag fadhiya, runtii waan ka shakiyey ee sheekada inoo jooji yuusan na jaasuusine, waxaan maqlay in baryahan waddan hebel uu Jawaasiis badan xaafadda soo geliyey marka aan taxadarno” ereyadaasi mayara inta aan maqlay, malaheygana qofka qoraalkan akhrin doona waxaa ku soo dhici doona dhacdooyin kuwan la mid ah oo uu maqlay ama arkay.

Waxyaabaha sida aadka ah shakiga u keena waxaa ka mid ah: taleefoonka gacanta oo dadka qaarkood ay ku falaadaan marka ay meheradaha fadhiyaan, iyagoo qaarkoodna dano gaar ah ku qabsada sida inay ka daalacanayaan web site ama ay fariin ka dirsanayaan, halka qaar ka mid ah dadkana ayba ku ciyaarayaan, balse  kuwa kale oo dadka  ka mid ah ayaa u haysta haddii uu qof kale teleefoon uu gacanta ku haysto inuu isaga warbixin ka qorayo amaba uu war ka duubayo.!!!!.

Soomaalidu waxa ay isu hayaan kooxkoox oo qolo walba waxa ay la dhacsan tahay qolyo iyaga si uun ay u caashaqeen, haddii uu yahay qabiil, haddii ay tahay koox ama si kaleba, waxaana caada ah in koox walba ay isugu sheekeyso warar iyaga markaas muhiim u ‘ah, amaba waxa ay wax ka sheegayaan koox iyaga markaas ka soo horjeedda, waxaana Soomaalidu ay u wada fariistaan ama u wada sheekeystaan hadba sida ay isugu xiran yihiin sidii ay doontaba ha ‘ahaato isku xirnaantaasuye.

Sheeko Gaaban.

Wiil dhalinyaro ah ayaa galab waxa uu soo fariistay baar shaaha lagu cabbo, wiilku waxa uu sugayaa oo la balansan yahay oday adeerkiis ah, wuxuu u yeertay Shaah, waxaana uu fariistay kursi ka mid ah kuwa loogu talagalay in lagu shaaho, meel isaga ku toosan ayaa waxaa ka soo jeeda laba nin oo ay sheeko u baxeyso, wiilku waa kaligiis cid ayuuna sugayaa, meeshuna waa meherad oo cid laga xigo malahan, markii dambe ayaa waxaa aad u baqay labadii nin ee sheekada watay, waxay is-tuseen wiilka kaligiis meesha fadhiya, waxay isku sheegeen in wiilku uu meherada ku cusub yahay oo uu u yimid inuu iyaga war ka duubo si uu ugu geeyo cid kale oo malaha ay raggu ka soo horjeedaan, haddii in cabbaar ah sidaas xaalku ahaa labadii ninna ay neeftu ku dhagtay oo dareenkoodii oo dhan ay wiilka ku soo jeediyeen ayaa midkood intuu is-hayn waayey waxa uu soo abbaaray wiilkii, wuu soo dul-istaagay, wuxuu ku yiri ” waryaa maxaad meesha ka qabaneysaa” wiilkii ayaa yaabay, wuxuu ku yiri” meesha sow Maqaayad maaha?, ma gurigaaga ayaan kuugu imid? sidee iila hadleysaa?, maxaa kaa galay waxaan meesha u joogo?, anba ma ogi waxa aad qabaneysee” ninkii ayaa ku yiri wiilka “teleefoonkaaga i tusi waxa aad nooga duubtay”, wiilkii ayaa intuu xanaaqay kor u is-taagay, waxaana meesha ka bilowday buuq, iyadoo xaaladu sidaas u cakiran tahay ayaa waxaa soo galay odaygii uu wiilku sugayey, mase waxaa goradda iskula jira wiilkii isaga sugayey iyo nin oday ah oo ay saaxiibo yihiin, ” war maxaa dhacay, adeer sidee wax u jiraan” ayaa odaygii yiri, waxaana u jawaabay wiilkii uu adeerka u ahaa, kaasoo u sheegay in lagu soo gardarooday, ninkii shakisanaa ayaa odayga waxa uu ku yiri “oo wiilka miyaad garaneysaa”, odaygiina si deggen ayuu ugu sheegay inuuba meesha u yimid la kulanka wiilka, ninkii odayga ahaa ee shakisanaa ayaa u sheegay odayga inuu wiilka ka shakiyey oo uu ka baqsanaa inuu war ka duubo, wuxuuna ku celiyey “wiilka magaraneysaa” odaygii ayaa yaabay oo ku yiri ” war maxaa jira haddii aad wax qarsaneyso meeshu waa meheradee gurigaaga la aad sidee wiilka yarka ah ee aniga isugayey aad uga shakidaa?, hadda ma ku tusaa teleefoonkiisa? war waxaad tahay qof jirane orodoo meel fariiso sidaas magaalo laguma joogee” ereyadaasi waxa ay ka soo burqadeen dibnaha odaygii gadaal ka yimid, waxaana halkaas ku dhammaaday buuqii ka dhashay shakiga.

Waxaa jirta in sheekooyin taas la mid ah ay dhacaan mar walba, iyadoo dadka qaarkood heerka ay la gaartay cabsidu ayba ka meertaan inay tagaan meelaha leysugu yimaado, waxaana xusid mudan in dadka sidaas u baqaya ama sidaa u shakisan ay iska yihiin dad caadi ah oo aan ka mid aheyn kooxda ama dowladda ay dartood u welwelayaan, iyadoo la wada ogyahay qof walba inuu qolo la dhacsan yahay siduu doonayo ha u taageeree.

Ugu dambeyntii: waa  jirtaa in qolo walba ay leedahay sirdoon, balse qof walba ma ahan sirdoon, mida kale sirdoonku cid walba ma raadsadaan ee cid ay si gooni ah u doonayaan ayey raadsadaan, hana hilmaamin cid wax isku og oo howlo khatar ah haysa meheradaha howlahooda lama soo aadaan, balse maqaayadaha Shaaha waxaa loo yimaadaa in lagu sheekeysto leyskuna wareysto.

Gunaadan

Qormadan waxaan ku soo afmeerayaa: intii aad shaki dad ku kala dhimman laheydeen, adna laguu qaadan lahaa qof waalan iska hubso arinta, bulshaduna ma wada xuma ee buufis ha isku ridin, waxaa kaloo iga talo ah in qofina uusan la fariisanin cid uusan garaneyn, intii isagana lagu dambaabi lahaa, magac xun oo uusan shaqo ku laheyna dusha loogu saari lahaa.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

boqor3@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online