Wafdi ka socda Qaramada midoobay oo gaaray Gaalkacyo
September 14, 2011 - Written byGaalkacyo:-Waxaa shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarun ta Gobolka Mudug u qaabilsanaha QM arrimaha bini’adantimada dalka Soomaaliya Mark Bowden iyo wafdi ka tirsan Un-ka, Wafdiga oo uu hogaaminayey Mark Bawden ayaa waxaa ay booqasho ku tageen xerada Halabooqad oo ah xero ku taal Gaalkacyo oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah.
Wafdiga u qaabilsanaha Qaramada midoobay arrimaha bini’adantimada dalka Soomaaliya Mark Bowden ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Gaalkacyo masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamul ka Gobolka Mudug ee Puntland. Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac iyo masuuliyin ka tirsam maamulkiisa ayaa waxaa ay kulamo la qaateen u qaabil sanaha Qaramada midoobay arrimaha bini’adantimada Soomaaliya Mark Bowden waxaan ay safar ay ugu kuur galayeen xaalada barakaca yaasha ku jira xerooyinka kale duwan ee degaanada Puntlland gaar ahaan Gaalkacyo.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa kale oo ay kulan la qaateen Wasiiro dhowr ah oo ka tirsan dowllada Puntlland oo uu hogaaminayey Wasiirka Amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan , wasiirada kulanka ka qayb galay ayaa waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cabdulqaadir Xaashi, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Cali Yuusuf Cali Xoosh , Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).
Wafdiga Qaramada Midoobay ee uu horkcayey u qaabilsanaha Qaramada midoobay arrimaha bini’adantimada dalka Soomaaliya Mark Bawden ayaa waxaa ay warbixino kale duwan ay ka dhagaysteen guddoomiyaasha xerooyinka barakacayaasha iyagoo u sheegay Mark Bowden in xaaladoodu ay wanaagsan tahay balse ay codsanayaan in loo dhiso guryo biyuhuna ay ku yar yihin.
Ugu danbayntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga Qaramada Midoobay ee soo gaaray Gaalkacyo isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax loo qabto dadka faraha badan ee ku soo barakacay magaalooyinkaPuntlland.
M_M_Deeq
Halgan.net