Wasiirka arrimaha gudaha DFKM Cabdisamad Macalin oo booqday Suuqa Bakaaraha
September 20, 2011 - Written byMuqdisho:-Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka DFKM Cabdisamad Macalin Maxamed ayaa maanta markii ugu horeysay waxaa uu booqasho ku tegay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdisamad Macallin Maxamed iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM ayaa waxaa kale oo ay soo mareen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalad Muqdisho
Wasiirka arrimaha gudaha DFKM /samad Macallin Maxamed ayaa markii uu yimid Suuqa weyn ee Bakaaraha waxaa uu warbixino kale duwan ka dhagaystay ciidanka DFKM ee ku sugan Suuqa Bakaaraha iyo qaar ka mid ah ganacsatad Suuqa Bakaaraha
Kormeerka uu maanta ku tegay Suuqa weyn ee Bakaaraha Wasiirka Arrimaha gudaha ee DFKM ayaa waxaa uu noqonayaa kormeerkii ugu horeeyey oo masuul ka tirsan DFKM uu ku tago Suuqa Bakaaraha oo ilaa iyo intii ay ururka Al-shabaab ay ciidankooda kala baxeen Suuqa Bakaaraha iyo xaafadihii ay ka talin jireen ee magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net