Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland oo Shir jaraa,id ku qabtay Garoowe
September 18, 2011 - Written byGaroowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa soo bandhigay maanta deeq waxbarasho ka timid dowladda Turkiga mar uu saaka shir jaraa,id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Deeqadan Waxbarashada ee ka timid dowlada Turkiya ayaa waxay qeyb ka tahay deeq waxbarasho oo ay dowlada Turkiga ay siisay DFKM iyada oo 500. oo arday deeq waxbarasho ugu deeqday.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid (Juxa)ayaa waxaa uu sheegay in ardayada iskuulada sare ee Puntland laga qaadi doono imtixaan maalinta arbacada iyo khamiista wejiga u horeeya imtixaanka uu ka dhici doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug .
Imtixaanka ayaa waxaa si wada jir ah u qaadi doona macalimiin ka tirsan wasaarada waxbarashada ee Puntland iyo masuuliin ka socda wasaarada waxbarashada ee dalka Turkiya.
M_M Deeq
Halgan.net