Wasiirkii hore ee arimaha gudaha DFKM oo ka hadlay Masjidka Abuu Hureyra

September 17, 2011 - Written by

Muqdisho:-Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ee xukuumadii Cumar C/rashiid Sheekh Cabdul Qaadir Cali Cumar ayaa maanta waxaa uu khudbad ka jeedshay Masjidka Abuu Hureyra ee ku yaala gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha wuxuuna ka hadlay amaanka suuqa Bakaaraha .

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo waxgaradka in amaanka laga wada shaqeeyo meelna looga soo wada jeesto amaan darada kuwa ka wada Muqdisho.

Wasiirkii hore arimaha gudaha ayaa waxaa kale oo ka hadlay nabad darada ka jirta Muqdisho wuxuuna ugu baaqay dadka Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidanka DFKM ayna u soo sheegeen ciidanka DFKM ee  nabad galayada wax u dhimaya.

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in dalka Soomaaliya aan loo ogoleyn in ay dowlada iyo nabad helaan oo ay leedahay cadow faro badan waxaa kale oo uu ka hadlay abaaraha iyo dhibka ka jira Soomaaliya.

Masjidka Abuu Hureyra ee ku yaala gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa uu ka mid ahaa Masaajidada ay gacanta ku hayeen Ururka Al-shabaab oo ay ka jeedin jireen Nadwooyin iyo muxaadaraad ku baaqaya in laga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Ciidanka Amisom iyo kuwa DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. SOOMALAAY WAANALA SOO GALAY MAR LABAAD MARKAANINA WAXAANU HALIS KUNAHAY BADII LACABIRAN JIRAY OO UU HADA SOO SAXIISAY CABDIWALI REYSAL WASAARE KUSHEEGII IN HADA LAGA SOO DHAMEYSATAY DANIHII LAGA LAHAA MARKA …

    AQOON YAHANOW XAAL QAADO HADIIBA AAD SIDAAN TAHAY…

Leave a comment

*