Xero cusub oo dad barakacyaal ah looga sameeyey duleedka Degmada Burtintle ee Gobolka Nugaal
September 20, 2011 - Written byBurtintle :-Waxaa maanta lga unkay xero loogu tala galay dadka ka soo hayaamay dagaal ka ka socda Koonfurta Somaaliya Degmada Burtintle ee Gobolka Nugaal ,Xeradaan cusub ayaa waxaa hirgelinteeda iska kaashaday dowllada Puntlland iyo maamulka degmada Burtinle dadka barakacayaasha ee hadda xerada ku jira ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay gaarayaan ilaa 1200 oo qof oo u badan caruur iyo haween
Ilaa iyo intii ay dagaalada iyo abaaruhu ka dhaceen dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa jira dad fara badan oo ka barakacay xaafadahoodii iyagoo nolal iyo nafba soo biday degaanada xasiloon ee ay ka jiraan maamulka Puntlland iyo S/lland.
Ilaa iyo hadda ma jiraa Hay.adda dowli ah oo weli wax gar gaar ah u fidiyey iyadoo mararka qaar ay dhacdo in Hay.addaha maxaliga ah ama dadka muxsiniinta ah ay gargaar la gaaraan dadka colaaduhu iyo abaaruhu ka soo barakiyeen degaanadii ay ku noolaayeen.
C/casiis Axmed
Halgan.net