Al-Shabaab oo ku tilmaamay shirka Istanbul mid lagu shirqoolayo umada Soomaaliyeed
June 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga kaas oo looga hadlayey arimaha Soomaaliya waxaana ay ku tilmaameen mid dhameystiraya Shirqoolada loo maleegayo dalka Soomaaliya .
Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shirkii lagu soo afmeeray magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga uu dhamaystir u yahay shirqoollada iyo dhibaatooyinka lagu hayo ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in shirka uu uu gunaanad u ahaa shirkii ka dhacay magaalada Lodon wuxuuna ku tilmaamay mid fashilmay ayna aqbali doonin .
Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa hoosta ka xariiqay in qodobada ka soo baxay shirkaasi ay waxba ka qusayn umada Islaamka ee Soomaaliyeed kuwaas oo lagu baneysanayo ayuu yiri dhiigooda iyo hantidooda.
Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaana ay dhowr mar sheegeen madaxada Ururka iyo Saraakiishooda in ay wadayaan dagaalka ay kula jiraan DFKM iyo kuwa AMISOM ilaa ciidamada Afrikaanka ay ka baxaan Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net