Baaqii Gabogabada Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America ee Sanadka 2012ka
June 2, 2012 - Written byMinnesota:-Ilaahay ayaan ku mahadinaynaa na waafajiyey guul inuu ku soo dhamaaday shirkii 11aad ee golaha imaamyada soomaalida waqooyiga America oo sanadkan lagu qabtay Masjidk Abubakar As-saddique ee magaalada Minneapolis Minnesota.
Goluhu wuxuu u dardaarmayaa jaaliyaadka muslimka ee Soomaaliyeed ee dibadda iney diintooda qabsadaan Masaajidda iyo imaamyada iyo ducaadda iyo qof kastoo wax garad ah waxaa ilaahay hortiisa ka saaran xil dadka dibadaha ku daadsan.
Dadka waxaan ugu yeereynaa iney kusoo xirmaan maraakista iyo culimada si ay diintooda u badbaadsadaan, maraakistana xubna fir fircoon ka noqdaan.
Dacwada Islaamka iyo fidinteedu waa xil saaran qof kasta oo Muslim ah, loogana baahanyahay inuu si daacadnimo iyo hawlkarnimo ah u guto. Muslimiinta guud ahaan waxaan ugu yeereynaa midnimo iyo iney xarigga Ilaahay wada qabsadaan si ay liibaan adduun iyo aakhiro u gaaraan. Waxaan Muslimiinta Guud ahaan, Gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed uga digeynaa khatarta iyo cirib xumada ay leedahay khilaafka iyo kala qaybsanaanta, heer kasta iyo qola kastaba ha noqotee.
Ummadda Soomaaliyeed Distuurkeedu waa Shareecada Islaamka oo waqti kasta iyo meel kastaba ku habboon, liibaan iyo horumar, cizi iyo sharafna lagu gaaraayo. Distuur kasta oo meel aan iyada ahayn laga keenayna waa halaag iyo cirib xumo Culimada Soomaaliyeed xil weyn ayaa ka saaraan diinta iyo dalka iyo badbaadintooda.
Waxaana looga baahanyahay iney xilkooda si geesinimo leh u gutaan, meelna uga soo wada jeestaan ka hortagga khataraha kala duwan ee ku socda.
Halkan ka Daawo Masawirada kulankii Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America
Bayaankii Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America hoos ka akhriso.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net