Ciidamada France oo maanta Afgaanistaan lagu laayey
June 9, 2012 - Written byKabul:-Ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka Militeriga dalka France, ayaa waxaa maanta lagu dilay dalka Agaanistaan.Isbeheysiga NATO ee hoggaaminaya ciidanka huwanta ah ee dalka Afgaanistaan ku sugan, ayaa qirtay in maanta oo Sabti ah bariga dalka Afgaanistaan lagu dilay 4 ka tiran ciidanka France.
Weerarka lagu dilay askarta France oo ay fuliyeen kooxo hubeysan, ayaa waxa uu ka dhacay bariga dalka Afgaanistaan, gaar ahaan deegaan ay ilaaliyaan ciidamada France.
Afhayeen u hadlay xarakada Daalibaan, laguna magacaabo Dabiixu laahi Mujaahid, ayaa shaaca ka qaaday in iyagu ay mas’uul ka ahaayeen weerarka lagu dilay askarta France ee bariga Afgaanistaan ka dhacay.
Dalka Afgaanistaan, ayaa muddo ka badan 10 sano waxaa ku sugan ciidamo NATO ka socda, kuwaasoo uu hoggaaminayo Mareykanku, waxaana ay dagaal joogta ah kula jiraan dagaalyahannada Daalibaan iyo Al-Qaacida ee bah-wadaagta ku ah dagaalka ka dhanka ah ciidamada huwanta ah ee halkaas ku sugan.
Halgan.net+somalireal