Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Deegaanka Wabxo iyo Baladxaawo
June 12, 2012 - Written byGuriceel:-Wararka saaka naga soo gaaraya Deegaanka Wabxo ayaa sheegaya in saaka aroortii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu suna la baxay ay ka baxeen Deegaanka wabxo ee gobalka Galgaduud waxaana si nabad ah u soo galay wabxo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiyaha iyo kuwa Ahlu Suna ee saaka ka baxay Deegaanka wabxo ayaa gaaray degmada Guriceel halkaas oo ay ku leeyihiin saldhig weyn ciidamada Itoobiya ilaa hada lama oga qorshaha ciidamada Itoobiya .
Ciidamada Al-Shabaab ayaa waxay horay ula wareegeen degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, ka dib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Suna.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada B/xaawo ee xarunta gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugnaa ay saaka ka baxeen iyaga oo dib ugu noqday deegaanka Doolow ;xaalada magaalada Baladxaawo ayaa haatan Degan wax isbadel ahana kuma sameyn ka bixitaanka ciidamada Itoobiya.
A/Cawale
Halgan.net