Dagaal iyo iska horimaad hubeysan oo saaka ka dhacay deegaanka Tuka-Raq
June 16, 2012 - Written byGaroowe:-Dagaal iyo weliba iska horimaad kooban oo socday mudo kooban ayaa waxaa uu ka dhacay maanta deegaanka Tuka-Raq , dagaalka ayaa waxaa markii hore uu dhex maray ciidamo daacad u ah Ahmed Karaashe oo ah Madaxweynaha maamul ka Khaatumo iyo ciidamo uu horkacyo Mahad Canbaashe oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka Somaliland oo saaka deegaankaas weerar ku soo qaaday.
Dagaal iyo iska horimaad kooban ka dib ayaa waxaa ka baxay degmada Tuka Raq ciidamadii uu hogaaminayey Ahmed Karaashe oo ah Madaxweynaha Khaatumo State waxaana qabsaday ciidamadii S/land oo uu hogaaminayo Mahad Canbaashe intaas ka dib ayaa waxaa iska horimaad uu dhexmaray ciidamada S/land iyo kuwa Puntland
Ku-xigeenka duqa degmada Tukaraq ayaa saxaafada la hadal goordhow waxaana uu xaqiijiyey weerarka ay soo qaadeen ciidamada S/land wuxuuna sheegay in ciidamada daraawiishta ee Puntland ay haatan ku sugan yihiin Tuka raq ayna la wareegeenciidamadii S/land ay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duuleen
Ma jiraan cid u hadashay S/land oo faahfaahin ka bixisay dagaalka ka dhacay Tukaraq.Ilaa iyo haatan lama garan karo khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac waxaana go,an isgaarsiinta Degmada Tukaraq.
M_M Deeq
Halgan.net