Diyaarado duqeeyay degmada Balidhidin ee gobolka Bari
June 7, 2012 - Written byBoosaaso:-Waxaa shalay duqeyn dhinac cirka ah ay ka geysteen diyaaradaha reer Galbeeda ah ee ku sugan Xeebaha dalka Soomaaliya degaanka lagu magacaabo Balli- Dhidin oo ka tirsan Gobolka Bari. Diyaaradaha duqeynta ka geystay deegaanka Balli-dhidin ayaan ilaa hadda la aqoon dalka iska leh balse dadka degaanka oo qaarkood la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in koox dhalinyaro ah oo ka tirsan Burcadbadeed ay xarun ku lahaayeen goobaha la duqeeyey.
Diyaaradaha duqeeyey deegaanka Balli-dhidin ayaa waxaa lagu sheegay ilaa 3 diyaaradood ah ah nooc loo yaqaan Helicopter waxaan ay madaafiic ku garaaceen ilaa dhowr goob oo ku yaal degaanka Balli-dhidin. Dadka degaanka ayaa sheegay in ay jirto khasaaro kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay kooxda burcadbadeed ah oo horay Markab u af duubtay ka dibna la aaday degaanka Baargaal walow ay markii danbe ay dib uga soo baxeen maalin ka hor ka dib markii ay degmada Baargaal gaareen ciidamada Badda ee Puntlland.
M_M_Deeq
Halgan.net