Maraykanka oo lacag ku baadi goobaya Madaxada Ururka Al-shabaab

June 7, 2012 - Written by

Muqdisho:-Dowladda Maraykanka ayaa waxay malaayiin doollar ku baadi goobeysaa hogaanka sare ee Ururka Al-Shabaab oo dhawaan sheegay in ay bayco la galeen kuna biireen Ururka weynaha Al-Qaacida ee dagaalka kula jira dowlada Mareykanka .

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka oo lagu magacaabo Robert Hartung oo wareysi gaar ah siiyey wakaalladda wararka ee Reuters  ayaa sheegay in ay lacag ay ku sheegeen abaal marin siin doonaan cidii soo jaasuusta ama wax macluumaad ah ka keenta halka ay ku sugan yihiin 7 ka mid ah madaxada Ururka Al-Shabaab kuwaas oo kala ah.

1-Sheekh  Axmed Cabdi Ow-Max’ed Godane oo loo yaqaan Muqtaar ABuu Zubeyr waxaa la dul dhigay $7-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah.

2. Ibraahim Xaaji Jaamac oo  ah ku xigeenka Sheekh Ahmed Godane madaxa Al-Shabaab ayaa waxaa la dul dhigay  lacag gaareysa  $4-Melyan oo dollar.

3. Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf oo ah madaxa Dacwada laakiin ay ku sheegeen Mareykanku in uu yahay Madaxa Maaliyadda ururka Al shabaab waxaa isna la dul dhigay lacag gaareysa  5-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah.

4. Bashiir Maxamed Maxamuud oo ah sida ay sheegeen Mareykanku Taliyaha Ciidamada Militariga Al Shabaab waxaaa la dul dhigay $5-Milyan oo dollar

5. Sheekh Mukhtaaq Rooboow Abuu Mansuur Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab waxaa isna la dul dhigay $5-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah.

6. Sakariye Ismaaciil Axmed Xersi madaxa sirdoonka Al- Shabaab waxaa la duldhigay  $3-Milyan oo dollar..

7. C/laahi Yare oo isna ka tirsan saraakiisha  sare ee Al Shabaab ayaa isna madaxiisa la dul dhigay $3-Milyan oo dollarka Maraykanka ah

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale waxay taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Soomaaliya iyada oo siisa kaalmo dhaqaale iyo mid melatari.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka oo lagu magacaabo Robert Hartung ayaa u sheegay Reuters in abaalmarinta la duldhigay madaxda sare ee Al-Shabaab ay soo dhaweynayo ayuu yiri in la waayo Al-Shabaab.

Baaqan cusub ee uu ku dhawaaqday dowlada Mareykanka  ayaa imaanaya xili  culays milateri uu saaran yahay Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidanka Kenya ,Itoobiya iyo ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee taageera DFKM .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online