Guddoomiyihii maxkamada gobolka ee magaalada Hargeysa C/rashiid Duraan oo saaka la dhaawacay

June 11, 2012 - Written by

Hargeysa:- Waxaa saaka koox hubaysan oo dhalinyaro ah ay toogteen guddoomiyihii maxkamada gobolka ee magaalada Hargeysa C/rashiid Duraan xili uu ka baxay Masjid ku yaal xaafada New Hargeysa oo ah xaafada uu degnaan Guddoomiyuhu. Gudoomiyihii maxkamada gobolka ee Hargeysa C/rashiid Duraan ayaa waxaa gaaray dhaawac culus oo ka soo gaaray Qoorta iyo caloosha.

Kooxdaan dhalinyarada ah ee hubaysan ayaa hadafkooda waxaa uu ahaa in ay khaarajiyaan  gudoomiyihii maxkamada gobolka ee Hargeysa C/rashiid Duraan iyagoo markii ay dhaawaceen goobta ka baxsaday. Ciidanka amaanka magaalada Hargeysa ayaa  soo gaaray goobta waxaana ay bilaabeen howl galo lagu raadinayo kooxdii falkaaas ka danbaysay.

Dilalka qorshaysan ee lala eegto Masuuliyiinta ka tirsan maamulka ama saraakiisha ayaa inta badan waxaa ay ka dhici jireen magaalooyin ka Boosaaso iyo Gaaalkacyo walow hadda ay yaraadeen ilaa wixii ka danbeeyey dilkii foosha xumaa ee kooxda amniyaadka ee ururka Al-shabaab ay ugu geysteen Allaha u naxariistee Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan sidda ay arrinkaas saxaafada u xaqiijiyeen Ehelada Shiikha iyo culimad soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso.

Ilaa hadda ma cadda u jeeda ka danbaysa  isku dayga dilka ah ee la doonayey in lagu khaarajiyo gudoomiyihii maxkamada gobolka ee Hargeysa C/rashiid Duraan balse saacadaha soo socda ayaa la ogaan doonaa.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online