Hay’adda Somali Advice and Information Services (SOMINFOS) oo Seminaar ku qabatay Magaalada Leicester
June 25, 2012 - Written byLeicester:-Seminaar ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Leicester oo lagu baranayey sida uu qofku isu horumarin karo { How to develop your self } oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Sominfos ayaa lagu qabtay xarunta SOCOPA ee magaalada Leicester. Seminaarkaas oo soconayey hal maalin oo qura ayaa waxa aad uga faa’ideystay qaar ka mid ah jaaliyadda.
Seminaarkaas waxaa duruus kala duwan ka bixiyey Cabdixakiim Jaamac Jooje oo ah Social Development Adviser, Maxamed Saalax oo ah macalin wax ka dhiga dugsiyada sare ee Leiceser iyo Cabdikeyf Bashiir oo ah gudoomiyaha hay’adda Socopa. Seminaarkaas ayaa waxaa looga hadlay tallaabooyinka loo baahan yahay qofku in uu qaado haddii uu doonayo in uu is hormariyo, sidoo kale arimaha caqabadaha ku noqon kara qofku in uu horumar sameeyo.
no images were found
Seminaarkaas oo ay aad u soo dhaweeyeen kasoo qeybgalayaasha ayaa runtii waxaa laga dheehan karey wajiyadooda sida ay ugu qanacsan yihiin seminaarada noocan oo kale ah. Waxey kaloo codsadeen kasoo qeybgalayaasha in kulamada noocan oo kale la joogteeyo, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo xagga horumarka horey loogu qaaday. Ugu danbeyntii kasoo qeybgalayaasha waxa ay hay’adda Somali Advice and Information service u qeybisay shahaadooyin kasoo qeybgalid ah. Shahaadooyinkaas waxaa gudoonsiiyey Mudane Cabdullaahi Kooshin oo isagu ah qabiir qurbahan wax baddan joogay ugana waramay kasoo qeybgalayaasha waayo aragnimadiisa ku aadan qurbahan iyo sida leysu horumarin karo.
Ugu danbeyntii waxaa halkaas loogu mahad celiyay dadkii soo qabanqaabiyey xafladan iyo kuwii kasoo qeybgalayba. Waxaa kaloo mahad gaar ah loo jeediyay SOCOPA oo runtii iyadu xarunteed fududeysay in lagu qabto seminaarkan ama workshop kan
Maamulka hay’adda Somali Advice
& Information Centre (SOMINFOS)